xaajo logo
 
Ciidamo ka tirsan Liyuu Booliska oo saldhigyo ka sameystey aagga Dhanaan ... 06 Jul 2010
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka Godey ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka u tababaran ee DDS ay saldhigyo cusub ka sameysteen tuulooyinka ku xeeran magaalada Dhanaan oo ka tirsan gobolka Godey. Ciidamadan oo aad uhubeysan ayaa lagu soo waramayaa iney dageen tuulooyinka Burqayar iyo Shiniile oo hilaaddii Dhanaan u jira waxka yar 20KM. Read more ..

Warbixin buuxda oo laga soo diyaariyey caasimadda gobolka Afheer ee Hargeele iyo Waftigii UWSLF ... 05 Jul 2010
Waxaa Shalay Galinkii Dambe Gaadhay Magaalada Hargeele ee Gobalka Afdheer Wafdigii Ururka UWSLF ee Gobalada Liibaan iyo Afdheer Kormeerka kumarayay, Wafdigan ayaa markii ay gaadheen Magaalada Hargeele ee Xarunta Gobalka afdheer waxaa loo Dhaadhiciyay Guriga martida ee Gobalka halkaa oo si kal iyo laab leh ay ugu Soo Dhaweeyeen Maamulka Degmada iyo Kan Gobalkuba. Read more ..

Todobo Xubnood oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo u hambalyeeyey IHASA ... 05 Jul 2010
XOL: Shirkii hay'adda IHASA ay ku qabatay dalka Maraykanka oo ku dhamaadey guul ayaa waxaa si isdaba joog ah ugu soo dhacaya bogaadin iyo hambalyeyn uga imaanaysa Xubo badan oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Maraykanka kuwaasoo ku amaaney shaqada ay hay'addani heyso. Xubnahan oo dhan Todobo ayaa magacyadoodu kala yihiin Read more ..

Ogaysiis: Shir Jaaliyadda Minnesota iyo Prof. Gaandi oo ka dhacaya Minneapolis ... 04 Jul 2010
XOL: Guud ahaan jaaliyaadka Soomaaliyeed ee Reer Minnesota ayaa waxaa la ogaysiinayaa ka soo qeybgalka shir ballaadhan oo uu Minneapolis ku qaban doono Professor Maxamed Cabdi Gaandi. wuxuuna shirka uu la yeelanayo jaaliyaadka Reer Minnesota ka dhaci doonaa.... Read more ..

Wareysi:Hoggaanka Nabadgalyada Deegaanka " Wafti heersare ah oo ONLF ayaan sugeynaa" ... 04 Jul 2010


Waftigii UWSLF iyo Gobolka Liibaan oo kal iyo Laab isku qaabiley ... 03 Jul 2010
Waftigii Ururka UWSLF ee Kormeerka ku marayay gobolada Liibaan iyo Afdheer ayaa habeenkii xalay ahaa ku hoyday magaalada Filto ee Caasimada Gobolka Liibaan.Magaalada Filto ayaa kutaala silsilado buuro ah dushooda sare waxayna Magaalada Nagayle kaxigtaa Dhanka Koonfureen masaafo dhan 126km, Dhanka waqooyina

Read more ..

Sheekh Cabdikariim iyo Wafti uu hoggaminayay oo kasoo gaddoomey Dhagaxbuur(SAWIRO) ... 02 Jul 2010
Waftigii ururka UWSLF ee uu hogaaminayay Gudoomiye k/xigeenka Ururka Sh.C/kariim oo ay la socdeen saraakiil kakala socday Xafiisyada Ciidanka ,Dacwada iyo Warfaafinta ayaa goor dhaw soo gaadhay Magaaladda Jigjiga ee Caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida. Read more ..

Warbixin Buuxda oo laga soo diyaariyey Nolasha Xaaladda Qabridahare(SAWIRADA) ... 02 Jul 2010

22-6-2010 Talaado ayaan ka degnay Garoonka Diyiiradaha ee Degmada Q/dahare halkaa waxaa si diiran noogu soo dhaweeyay Sh.Maxamed Dubad Xirsi iyo odayaal reer qoraxay ah kadib waxaan u dhaadhacnay magaalada waxaana ku degnay Hotel Qoraxay oo ku yaala magaalada badhtankeeda.
Read more ..

Website Cusub:Somali Region Pastoral and Agro Pastoral Research Institute ... 02 Jul 2010
The Somali Regional State has promulgated proclamation number 31/2002 to establish and legitimize Somali Region Pastoral and Agro-pastoral Research Institute (SoRPARI) which has become effective since August 22/94 EC. SoRPARI is administered under the regional board of research institute. HALKAN KA EEG BOGGA CUSUB OO AH DARAASAD CILMI BAADHISEED Read more ..

Port Elizabeth : Jaaliyadda S/galbeed oo shir ku qabatay magaalada Port Elizabeth ee K/Afrika ... 01 Jul 2010
Waxa shir balaaran iskugu yimid magaaladda Port Elizabeth ee dalka koonfur Afrika taageerayaasha ururka UWSLF ee ku sugan gobolka Eastern Cape iyo wax garad kale oo ka soo jeeda dalka s/galbeed. Kulanka ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee imam sacdudiin ee ku yaala xarunta jaaliyadda soomaalida koonfur Afrika(SASA) qeybteeda Eastern Cape . Read more ..

UWSLF oo kuurgashey dacwada iyo Waxbarashada gobolka Dhagaxbuur ... 30 Jun 2010
Wafdigii ka socday Ururka UWSLF ee ku sugnaa magaalada Dhagaxbuur ayaa maanta kulamo waxay la qaateen Culimaa’udiinka magaalada Dhagaxbuur, kulankan ayaa ahaa mid uu Ururku ku ogaanayay Xaaladda Waxbarashada ee Gobolka Dhagaxbuur iyo siday usocdaan Waxbarashada dhanka Diinta iyo hawlaha Dacwadda. Read more ..

Dawladda Deegaanka Soomaalida oo ka farxisey Gaadiidleyda Deegaanka ... 30 Jun 2010
XOL: Wararka naga soo gaadhaya caasimadda Jijiga ayaa sheegaya in gaadiidleyda Deegaanka ay aad ugu faraxsan yihiin talaabada maamulka Deegaanka Soomaalidu ay ku rabaan iney shaqooyin u abuuraan dadka tirada yar ee leh baabuurta waaweyn kuwaasoo ay ku adkeyd iney u gudbaan gobolada dariska ah taasoo keentey in baabuurta laga leeyahay maamul goboleedyada Puntland iyo Somaliland ay iyagu tagaan geesaska gobolka. Read more ..