xaajo logo
 
Madaxweyne Cumar Geelaha Jabuuti oo sheegey inuu marti galinayo kulanka ugu danbeeya ee UWSLF iyo dawladda Ethiopia ... 20 May 2010
Isagoo waraysi siinayay idaacada BBC-da laanteeda AfSoomaaliga ayuu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele sheegey in uu soo dhaweynayo wax alaale wixii nabad wada. Mar wax laga weeydiiyey in kullanka xiga ee dhexmaraya jabhada Soomaali Galbeed iyo Ethiopia lagu qabanayo Jabuuri ayuu xaqiijiyey arrinkaasi, shaacana ka qaaday in Jabuuti ay martigalin doonto shirkaasi. Read more ..

Shir aqoonyahan oo ka dhacay Denmark laguna xusey arimo muhiim ah ... 20 May 2010
Maalintii Axada ee lasoo dhaafay bishuna ahayd 16/05/2010 ayaa waxaa magaaladda Kopenhegan ee xarunta wadanka Denmark ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen dad si gaar ah loo soo macsuumay oo kakoobnaa ; aqaanyahano, culimo udiin, oday dhaqameedyo iyo waxgarad kale. Shirkan oo cinwaankiisa lagadoodayo ahaa; Maxaa noo talo iyo dan ah maanta ayaa waxaa xoghayntiisa daadihinayey Abdulaahi .M. Hasan. Read more ..

Doorashada Deegaanka iyo dawladda Xigta oo fursadaha yaalla Jijiga ... 20 May 2010
XOL:Iyadoo maalmahan uu diyaar garoow adag ka socdo guud ahaan dalka Ethiopia iyo gaar ahaan deegaanka Soomaalida ayaa waxaa la saadaalinayaa dawladda xigta ee deegaanka iney noqondoonto mid dhaxasha fursad qaali ah oo aan hadda ka hor jirin deegaanka iyadoo sidoo kale ay jiri doonaan fursado qaali ah oo horyaalla shacabka deegaanka gaar ahaan qurba joogta jecel nabadda iyo hormarka. Read more ..

Waxqabadkii guddida UWSLF ee gobolka Qoraxey ... 19 May 2010
Waxaa 9/5/20010,Kabilaabay Magaalada Qabdahare Hawlshii Sii Daynta Maxaabiista iyo Wacyi Galinta Ummada S/GALBEED- Ogadenya ee ku Nool magaalada Qabridahare ,Waxaana Hawshaas loo Xilsaaray Gudigan Hoos qoran
Read more ..

Ciidamadii UWSLF oo soo gaadhey Caasimadda Deegaanka Jijiga(SAWIRO) ... 19 May 2010

Waxaa maanta magaalada Jijiga soo gaadhey ciidamadii UWSLF ee soo maray jidka dheer socdaalkii nabadda ay kasoo bilaabeen magaalada Godey. Maalintii Shaley ay ku hakadeen magaalada Araarso iyagoo xalayna ku baryey magaalada Qabribayax. Dib ayaan kasoo gudbin doonaa sawirada iyo muuqaalada oo dhameystiran
Read more ..

Madaxweynaha Deegaanka Daauud oo kahadley Shirkii Godey ... 18 May 2010


Ciidamada UWSLF oo ku hadhimeysanaya magaalada Araarso, baritana ku aaddan Jjiga ... 18 May 2010
XOL:Ciidamadii UWSLF ee socdaalka nabadda ku marayay jidka dheer ayaa waxay maanta barqinnkii soo gaadheen magaalada Araarso halkaasoo shacabkii magaalada Araarso oo isku duuban ay ka dalbadeen iney caawa la joogaan ciidamadu si ay si wanaagsan ugu marti galiyaan. Read more ..

Dhaanto: Lafta dhabar dhaayahaygaay Alla Yaan Dhanaan Kula aadaay! Xafiiska Warfaafinta Deegaanka ... 18 May 2010


Dhagaxbuur oo dalbatay in ciidamada UWSLF maalmo ku hakadaan ... 16 May 2010
XOL:Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in magaaladu dalbatey iney ciidamada UWSLF ku hakadaan maalmo si ay si wanaagsan ugu marti sooraan taasoo magaalada Dhagaxbuur ka dhigeysa magaaladii ugu soo dhaweynta badneyd ciidamada UWSLF tan iyo intii ay kasoo kicitimeen magaalada Godey. Read more ..

Ganacsade Caan ah oo lagu diley Tuulada Caleen ee dagmada Shilaabo ... 16 May 2010
XOL:Waxaa maalintii Arbacada ee taariikhdu ku beegnayd 12-05-2010 lagu dilay Tuulada Caleen oo ka tirsan Degaanka Shilaabo ganacsade caan ka ahaa degaanka oo la odhan jiray Bile Axmad Nuur Cabdille Maax. Dilkaas oo uu gaystay nin ka mid ah ciidanka Kililka ee lagu magacaabo Liyuu Boolis ayaa yimid kadib markii uu sida la sheegay muran aan saas usii buurnayn uu dhex maray marxuumka iyo ninka booliska ah. Read more ..

Kanaxoow Nafta Waa: Qaar kamid ah Sawiradii Maxaabiista lasii daayay oo nasoo gaadhey(SAWIRO) ... 15 May 2010
XOL:Kadib markii ay soo baxdey in cafis guud loo sameeyey maxaabiis badan oo kamid ah kuwa badan oo deegaanka ku xidhan ayaa waxaa bogga Xaajo usuuro gashey inuu helo qaar kamid ah sawirada maxaabiista lasii daayay taasoo kamid ah talaabooyinka dhanka wanaagga, nabadda iyo hormarka loo qaadey. Read more ..

Ciidamada UWSLF oo soo dhaafey Sheykoosh kuna sugan Dhagaxbuur ... 15 May 2010
XOL:Ciidamadii UWSLF ee ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa waxey soo gaadheen magaalada Dhagaxbuur kadib markii ay shaley kasoo ambabaxeen magaalada Sheygoosh oo ku hakadeen iyadoo markii hore kasoo baxey magaalada Qabridahare kuna soo hakadey dhamaan tuulooyinkii ay soo mareen. Read more ..