| |
|
Tacsi:Reer Suldaan Cabdi Haybe oo halkan tacsi uga direya Reer Qamaan Bulxan Yuusuf ... 26 Mar 2010 |
Aniga oo ah Axmed Cabdi Haybe kuna magac dheer Axmed dawlo kuna hadleya magaca reer Suldaan Cabdi Haybe, waxaan halkan tacsi uga gudbineynaa qoyskii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Alla ha u naxariistee Muxumed Cadwaan Qamaan Bulxan oo bisha Maarso 23 deedii, 2010 ku geeriyoodey tuulada Maraacaato, kana tirsan degmada Qabridahare, Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya. Read more ..
|
|
Maxamed Cumar Cismaan oo soo gaadhey dalka South Afrika ... 23 Mar 2010 |
XOL:Wararka naga soo gaadhaya dalka South Afrika ayaa sheegaya in Maxamed Cumar Cismaan guddoomiyaha ururka ONLF oo uu weheliyo madaxiisa arimaha dibadda Cabdiraxmaan Maadeey uu soo gaadhey dalka South Afrika gaar ahaan magaalada Johnsburg kadib markii uu muddo ku maqnaa dalka Ereteriya. Read more ..
|
|
Daraasad buuxda oo uu soo bandhigay aqoonyahan u dhashey Soomaaligalbeed: Yaa U dirsadey Hawsha ... 19 Mar 2010 |
XOL:Daraasad cilmi baadhis kana kooban illaa 26 bog oo uu isku soo dubaridey aqoonyahay u dhashey dhulka Soomaaligalbeed ayaa waxey soo bandhigeysaa siyaasad xumida ku habsatey umadda Soomaaligalbeed isagoo cinwaan uga dhigey "Yaa U dirsadey Hawsha". Daraasaddan oo aad u qiimo badan waxey taabaneysaa meelo badan oo isugu jira taariikhda gobolka, ta waddanka iyo waliba marin habawga taagan. Aqoonyahay Maxamed Cabdi Gurxan oo ah qoraaga daraasaddan ayaan uga mahadcelineynaa inuu iyadoo lacag la aan ah noo fududeeyay inaan akhristayaasheena gaadhsiino. DARAASADDA HALKAN KA AKHRI
|
|
I WANT MY BROTHERS Memoir: The agony of a collapsing state. By Gurhan ... 17 Mar 2010 |
The whole evening, of 1991 new year’s day, there was continuous gun fire punctuated by great artillery explosions. Around 6:00 PM, our house servant told us she could no longer stay with us and left. We sat most of the night, praying. Felis, my wife urged me to leave Mogadishu and not take anything with me. Read more ..
|
|
Wardagdag ah: Geeri Naxdin leh :Dr Fadxi Daahir oo ku geeriyoodey dalka Maraykanka ... 16 Mar 2010 |
Innaa Lillaahi Waa Innaa Illaahi Raajicuun: Waxaa illaahay ha unaxariistee maanta ku geeriyoodey dalka Maraykanka Dr Fadxi Daahir oo ahaa Dhakhtar aad looga yaqaaney dhulka Soomaaligalbeed isla markaana kasoo shaqeeyey meelo badan oo ka tirsan waddanka Ogaadeenya. Dr Fadxi oo aad looga yaqaaney guud ahaan caalamka gaar ahaan bulshada Soomaaligalbeed dhexdeeda ayaa si kadis ah ugu dhintey dalka Maraykanka. Eebbe ha unaxariisto Dr Fadxi ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxeyna samir iyo iimaan eebbe ha ka siiyo.
|
|
|
|