XOL:Wararka naga soo gaadhaya caasimadda gobolka Qoraxey ee magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in magaalada uu kasocdo Master Plankii ay muddo dheer sugeysey kaaso dhawaan ka bilawdey laguna burburiyey guryo aad u badan oo uu cabirku qabtey. Dhanka kale jidka aada Dhagaxbuur iyo kan aada dhanka Dhanaan ayaa laga bilaabey in laga dhigo laami iyo labada shirkadoo ee dhisaya labadaas jid ay ku tartamayaan midkii hor dhameyn lahaa si ay u qaataan jidka laga bilaabo . Read more ..
XOL:Dadaallada aan kala go ah alahayn ee jaaliyadaha udhashey Ogaadeenya ay ka wadaan waddankoodii ayaa noqdey kuwa dhamaantood gaadhay guulo wax ku ool ah. Mashruuca Waxbarashada Shilaabo ayaa kamid ah midka ay jaaliyaadku ka wadaan dhulkooda hooyo kaasoo ah isku tashi. Haddaba Mashruuca Waxbarashada Shilaabo ayaa gaadhey guulo badan oo lagu diirsadey. Qoraalkan oo naga soo gaadhey masuuliyiinta mashruuca Shilaabo waxuu ka hadlayaa guulaha uu gaadhey Mashruucani. Read more ..
Agaasimaha guud ee jaaliyadda Soomaalida ee South Afrika Mudane Axmed Dawlo ayaa warbixin dheer ka aqriyey shirweyne ka dhacay dalka South Afrika kaasoo uu agaasimuhu kaga warbixiyey dhibaatada ragaaddey ee ku habsatey bulashada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka kusoo qaxey dalka South Afrika iyo dhibaatooyinka joogtada ah ee haysta habeen iyo dharaarba. Agaasimaha oo si aad loo dhageystey soona bandhigey warbixino maqal iyo muuqaalba ah waxuu.. Read more ..
XOL:Shirweyn oo lagu wado inuu ka furmo dalka Erateriya bisha January ee sanadka soo socda waxaa lagu mideyn doonaa ururada Mucaaradka ah ee Ethiopia. Haddaba boggan Xaajo ayaa kuu haya magaca iyo muuqa guddoomiyaha hoggaamin doona ururka laga sameyn doono Casmara kaasoo lagu wado in ONLF ay ka noqoto xubin. Read more ..
Jaaliyada Somaalida Ogaden ee waddanka UK waxay si cad u canbaareyneysaa falkii waxashinimada ahaa ee ka dhacay Hotel Shaamow ee magaaladda Mugdisho. Jaaliyaddu waxay u aragtaa falkaas inuu yahay musiibo qaran oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyed meel kasta ooy ku suganyihiin. Read more ..