xaajo logo
 
Jaaliyadda UK oo soo dhaweysey cafiska loo fidiyey maxaabiista Deegaanka ... 21 Sep 2009
XOL: Masuuliyiin katitsan jaaliyadda Soomaalida kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida oo ku dhaqan dalka Ingiriiska gaar ahaan jaaliyaddii la kulantey waftigii Kililka ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey cafiskii ay madaxda DDS ay u fidiyeen maxaabiis tiro ahaan gaadheysa illaa 400 oo maxbuus kuwaasoo laga soo kala xidhey meelo kala duwan iyo xiliyo kala duwan isuguna jira rag iyo dumar. Read more ..

Maamulka Xaajo oo soo dhaweeyey talaabada Maamulku ku fasaxey maxaabiista DDS ... 20 Sep 2009
Maamulka Bogga Xaajo waxuu si aad ah usoo dhaweynayaa cafiska guud ee loo fidayay maxaabiista DDS taasoo daba socotey codsiyo badan oo ka dhashey kadib markii wafdi ka tirsan Kililku ay ku yimaaddeen dalalka Yurub kulana kulmeen jaaliyaadka udhashey deegaanka. Jaaliyaadkii kula kulmey dalka Sweden iyo magaalada London oo ka codsadey masuuliyiintaas iney cafis u fidiyaan maxaabiista kasakoow, maamulka Bogga Xaajo ayaa qoraal toos ah udirey maamulka kana codsadey iney sii daayaan maxaabiista. Bogga Xaajo ayaa kadibna wareysi la yeeshey hoggaanka nabadgalyada Cabdi Maxamed Cumar kaasoo markale ku celiyey iney ka go antahay iney sii daynayaan maxaabiista DDS. Read more ..

Walaalo Waran isku haysta: MJXSG, ONLF iyo Ciidamada DDS ... 20 Sep 2009


Waftiga Kililka oo ka run sheegey iney soo daayaan Maxaabiista DDS(Fariin iyo Maxaabiis lasii daayay) ... 20 Sep 2009


Ciid Mubaarak, Sanadkan kiisa eebbe kheyr iyo nabad ha inagu gaadhsiiy ... 19 Sep 2009
Waxaan sagootiney bishii barakeysnayd waxaana eebbe ka baryeynaa inuu middan teeda inagu wada simo. Waxaan idin leenahay meelkasta oo aad dunida joogtaanba Ciid wanaagsan kuna ciida nabad iyo caano.

Xaajo.com


Illaahay Mahaddii Waa lasoo daayay iyagoo badqaba 4 maalmood kadib ... 18 Sep 2009
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka Godey ayaa sheegaya in dadkii dhawaantan laga afduubey tuulada Burqayar oo u dhaw magaalada DHanaan lasoo daayay maalinkii 17kii bishan Sept ayna soo nabadnoqdeen iyagoo badqaba oo dhibaato qabin kadib markii muddo 4 maalmood ah ay u afduubnaayeen iyadoo illaa iyo hadda aan la garanin sababta loo afduubte balse illaahay lagu mahadiyey badqabkooda iyo soo noqodkooda. Read more ..

Sidee loo qaybiyaa Miisaaniyada DDS maxaase lagu saleeyaa? ... 18 Sep 2009
XOL:Shabakad wax qorta arimaha Deegaanka ayaa soo bandhigtey miisaaniyadii DDS iyo lacagta ay dagmo walba ka heshey miisaaniyaddaas. Miisaaniyaddan oo ahayd adduun dhan 503,256,210.56 (Shan boqol iyo saddex Milyan Laba boqol Konton lix Kun labo boqol iyo toban Birr iyo Konton iyo lix Cents). Bal u fiirso qaabka loo qaybiyey waxaadna arki kartaa in magaalooyin yaryar ay ka waxbadsadeen magaalooyin waa wayn sida magaalada Awbarre. Bal eeg shaxdan hoose: Read more ..

Dalab Zakaatul Fidhriga: Illaahay Dartiis agoontan Ka farxi Zakaatul Fidhriga ... 15 Sep 2009
XOL:Dalab naga soo gaadhay xarun lagu xanaaneeyo caruur agoon ah ayaa waxey walaalaha Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ay ka codsanayaan iney Zakada Fidhriga ee inagu soo aadan ay soo gaadhsiiyaan walaalahooda agoonta ah ee aan haysan waxey ku ciidaan. Illaahay dartiis uga farxi agoon an waxba haysanin si eebbe kuu liibaano. Codsiga naga soo gaadhey HALKAN KA AKHRI CODSIGA XARUNTA AGOONTA KALANA XIDHIIDH TELKA KU QORAN

Ogeysiis:Mashruuca QEF UK oo shir ku qabanaya magaalada London ... 15 Sep 2009

Waxaa dhamaan hawlwadeenada Mashruuca Waxbarashada Qoraxey lagu wargalinayaa iney kasoo qaybgalaan Shirweynihii Mashruuca QEF ee waddanka UK kaasoo lagu qabanayo magaalada London 27ka Bisha Sept , saacaddu markey tahay. Saacaddu markey tahay 15-19:00. Cinwaankuna waa:
Resource Centre. Featherstone Terrace. Southall. UB2 5EL: Waxii warar dheeri ahna kala xidhiidh: 07599070803/ 07943122708/0788042355.


Sidaas kasoo qaybgal wacan.


Dhanaan iyo Afduub kale: 7 Muwaadhin oo laga afduubtey Burqayar Qalanjo! ... 15 Sep 2009
XOL:Warar hordhac ayaa sheegaya in 7 muwaadhin laga afduubtey tuulada Burqayar oo dhanka Waqooyiga hillaaddii dhawr iyo toban KM u jirta magaalada Dhanaan. Dadkan oo aan magacyadadooda qaar kamid ah helney ayaa loo badinayaa in ururka ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan ay kaxeysteen iyadoo aan la garaneynin sababta keentay. Maxay Dhanaan galabsatey Toloow! Read more ..

ONLF garabka Maxamed Cumar oo Dad shacab ah ku xasuuqey duleedka Nusdariiq ... 15 Sep 2009
Wararka naga soo gaadhay Dagmadda Nus-Dariiqa ayaa sheegayaa in Ururka ONLF garabka Maxamed Cismaan Duleedka Magaladda Nus-Dariiqa ku laayeen Dad Shacaba.Dadka oo la socday Baabuur Rakaab ah ayaa la sheegayaa inay wadada ugaleen kadibna Rasaas ku fureen halkana ay ku dileen Shan rakaab ah iyo Darawalki Baabuurka oo lagu magacaabi jiray,Cabdi Raxmaan Axmed Shaahid iyo Shan ka mid ah dadkii Rakaabka aha ee la socday Baabuurka kuwaasoo aan magacyadooda ka helnay Afar ka mid ha oo kala ah Read more ..

Codsi kusocda Maamulka DDS iyo sii dayntii Maxaabiista bisha Ramadaan ... 15 Sep 2009
XOL:Tan iyo intii waftiga DDS ay soo booqdeen waddamada ree galbeedka waxaa abuurmey yididdiilo badan oo ay jaaliyaadka deegaanku ay ka qabaan iney wada shaqayn hoose dhexmari karto maamulka DDS iyo jaaliyaadka oo muddooyinkii hore kala xidhnaa ama aan wax xidhiidh ah lahayn. Haddaba yidiidoolooyinkii ka dhashey socdaalkii waftigaas waxaa kamid ahaa lagana codsadey maamulka DDS iney bishan barakeysan sii daayaan maxaabiista ku xidhan jeelasha kala duwan ee dalka iyadoo codsigaasna ay aqbaleen lana sugayo goorta oodda laga qaadi doono maxaabiista. Read more ..