xaajo logo
 
Suugaan Wadaag: Akhriste soo diyaariyey taariikhdii Garaad Wiilwaal ... 31 May 2009
Maqaalkan waxaan kusoo qaadayaa, Taariikh Nolodeedkii - Halyeeygii, Garaadkii Ummada, Hormudkii Weynaa ee la odhan Jiray Garaad Wiil-Waal
Waa Maqaalkii Koobaad ee kan soo diyaariyay wakhtiyadiisii, aana ku bilaabay sidatan.Wiil-Waal waa naaneys, ka turjumeysa sida muuqata ee magaca saxda ah ee garaadkii waalidkii ula baxeeen ma is weydiisaan kolalka qaarkood?Garaad Xirsi baa la odhan Jiray ( Garaad Xirsi, Garaad Faarax, Garaad Xirsi).
Read more ..

Warbixin buuxda oo kusaabsan Shirweynihii Mashruuca Horumarinta Garbo ee ka dhacey South Afrika ... 30 May 2009
XOL:Waxaa kadhacay magaalada Johannesburg ee dalka South Africa taariikhdu markay ahayd 24 bishan May shirweynihii guud ee mashruuca horumarinta waxbarashada Garbo. Shirweynahaas oo ahaa mid siweyn loo soo abaabulay oo kasoo qayb galaayasha shirku ay isaga kala yimaadeen dalka South Africa gudihiisa iyo dibadiisaba ayaa wuxuu bilawday 10:00 subaxnimo isagoo socday ilaa 4:30 galabnimo. Read more ..

Wafdi Balaadhan oo Golaha Sare ee Jwxo,Booqanaya Wadanka Maraykanka. ... 29 May 2009
XOL:Waftigii ugu heersareeyey ee ay qabanqaabiyaan Golaha Sare ee ONLF kadib geeridii Dr Maxamed Siraad Doolaal ayaa kusugan dalka Maraykanka iyagoo ku wareegaya Waqooyiga Amerika halkaasna wada hadal wada tashi iyo wargalin usameynaya shacabka udhashey gobolka ee ku nool waddanka Maraykanka. Waftigan oo ay hoggaaminayaan guddoomiyaha Golaha Sare Eng Salaaxudiin waxaa ku weheliya Guddoomiyaha Abaabulka iyo Jaaliyaadka JWXO Coll Cabdiwali Hussein Gaas iyo xubno kale. Read more ..

Golaha Sare ee ONLF oo socdaal dheer ku maraya dalka South Afrika ... 28 May 2009
XOL:Wafdi heersare ah oo ka kooban 5 xubnood oo waddamo kala duwan kasoo kicitimey ayaa waxey kormeer ku marayaan waddanka South Afrika kuwaasoo kulamo badan la yeelanaya qaybaha bulshada Ogaadeenya ee ku nool waddanka South Afrika. Waftigan ayaa waxey meelihii ay marayeen kulamo badan la yeeshey dadweynaha ku kala nool waddanka South Afrika. Read more ..

Maxuu Galabsadey Mahad Maxamed Dariiq oo lagu diley Qabridahare? ... 28 May 2009
XOL:Mahad Maxamed Dariiq waxuu ahaa wiil dhalinyaro ah jooga magaaladii uu ku dhashey, aqoonyahan da'yar kuna hanweynaa inuu waddankiisa u shaqeeyo kana shaqeysto. Illaahay janadii ha geeyee Mahad waxuu kasoo qalin jabiyey Machadka beeraha ee magaalada Godey waxuuna ku hamiyey inuu cilmigiisa ku anfaco dadkiisa iyo dalkiisa. Read more ..

Dagaal gobolka Qoraxey markale ku dhexmaray ONLF Garabka Maxamed Cumar iyo Ururka MJXSG x ... 25 May 2009
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka Qoraxey ayaa sheegaya in dagaal sababay khasaare nafeed uu dhexmaray labada urur ee ujeedkeedu ahaa iney la dagaalamaan Tigreega kaasoo ka dhacay meesha lagu magacaabo Sariir oo u dhaxeeysa Gobolada Qoraxey iyo Godey. Dagaalkan oo sida lagu soo waramay dhacay kadib markii ciidamada ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan ay weerar ku qaadeen .. Read more ..

Beesha Sheekhaash oo dadaal ugu jirta in Raaso laga dhigo meel kamadax banaan maamulka Kililka ... 23 May 2009
XOL:Markii ugu horeysey taariikhda Kililka ayay Dad Soomaaliyeed isku dayayaan iney sameystaan maamul ka baxsan kan Kililka isla markaana aan qayb ka ahayn midka Oromada oo xad la wadaaga maamulka Kililka waloow ay adagtahay suura galnimadeeda maaddaama oo dalka Ethiopia uu yahay mid ku dhisan nadaam Qawmiyadeed marka laga reebo magaalada Diridaba iyo Addisababa oo iyagu ah maamul ka madax banaan Kililk lehna maamul u gooni ah oo toos u hoostaga dawladda dhexe. Read more ..

Sheekh Ibraahim Dheere oo Ethiopia ku eedeeyey iney shideyso dhibaatada ka aloosan Soomaaliya ... 22 May 2009
XOL:Sheekh Ibraahim Dheere guddoomiyaha ururka MJXSG oo wareysi dheer siiyey Telefeshinka Aljazeera siiyey ayuu ku weeraray dawladda Ethiopia isagoo sheegey in dawladda Ethiopia ay ka danbeyso dhibaatada ka aloosan dalka Soomaaliya isaoo dhanka kalena sheegey in ciidamadiisu ay kuwa Ethiopia ku weerareen gudaha Soomaaliya waxyeelana u geysteen. Read more ..

Mahad celin kusocota hawlwadeenada Mashruuca DDP "Dhanaan ayaan kusoo arkey waxtarka mashruuca DDP" ... 20 May 2009
XOL:Waxaa nasoo gaadhey qoraal mahadcelin ah oo kusocda hawlwadeenada mashruuca Waxbarashada Dhanaan(DDP). Qoraalkan uu nasoo gaadhsiiyey muwaadhin udhashey dagmada Dhanaan oo soo gaadhey dalka South Afrika ayaa qiraya waxqabadka iyo waxtarka DDP ay u qabatey shacabka iyo ubadka dagmada Dhanaan. Muwaadhinkan oo magaciisu yahay Gureey Afdhuub ayaa yidhi" Read more ..

Baasaboor doonayaasha deegaanka oo la kulma dhibaatooyin iyo jidhdil ... 20 May 2009
XOL:Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jijiga ayaa sheegaya in dadka udhashey deegaanka ee damca iney qaataan Baasaboor ay dhibaatooyin aad u badan kala kulmaan masuuliyiinta Kililka iyagoo la jidhdilo mudda aad udheerna ay usoo kallahaan helidda baasaboorka ay sharciga u leeyihiin.
Read more ..

QALBI DUMAY: Illeen Nin Mirqaamay Miyir ma Lahan! Mirqaansane Tuug Saacidey! ... 19 May 2009
XOL:Waa Qalbi Dumay iyo sheekooyin xiiso leh oo ay akhristayaasheenu nasoo gaadhsiiyeen. Saddex sheeko ayaan idiin haynaa maanta. Ninkii intuu mirqaamey tuuggii gurigiisa xadayay ku yidhi Falaaska Shaah ayaa iigu jiree iska daa!. Balse ka waran ninka intuu safrey meeshuu saaka ka tagey Bas dib ugu soo raacey iyo waliba sheeko xiisoo leh oo kusaabsan ninkii saaxiibadii ku yidhi maanta anigaa qado inoo wada ee la yidhi soo bixi. Maxuuse raggii soo hordhigey! Bal dhugo! Read more ..

Tababar loo qabtey hoggaaminta dhexe ee DDS oo ka socda magaalada Jijiga ... 16 May 2009
XOL:Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jijiga ayaa sheegaya in magaalada Jijiga uu ka bilawdey tababar socondoona 5 maalmood kaasoo la isugu keeney maamulada 5 gobol iyo dagmooyinkooda iyadoo sida lasheegey halkaas loogu akhrinayo waxa deegaanka loogu yeedho Maamulka Suuban iyo sidii masuuliyiinta loogu wargalin lahaa ka hortagga ururada Mucaaradka. Read more ..