| |
|
Golaha Sare oo Bayaan been ku tilmaamay bayaankii wasaaradda gaashaandhigga Ethiopia ... 01 May 2009 |
Golaha Sare ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaden wuxuu Bulshada Caalamaka u cadaynayaa inaan waxba kajirin oo ay tahay been la dhoobdhoobay oo aan sal iyo raad lahayn Bayaanka ay 19/03/2009 Wasaarada Gaashaandhiga ee Itoobiya ku sheegatay inay burburisay ONLF iyo OLF kadib markay dishay hogaamiyihii Golaha Sare ee JWXO Mujaahid Dr. Maxamed Siraad Doolaal, islamarkaana ay gacanta kudhigtay Taliyaha Ciidanka OLF ee Koonfurbari Itoobiya,oo ahaa xubin Golaha Dhexe ee OLF Mr.Furgasa. Read more ..
|
|
Ayax dool ah oo ku habsadey magaalooyinka Shiniile iyo Ayshaca ... 29 Apr 2009 |
XOL:Wararka naga soo gaadhaya Jijiga ayaa sheegaya in Ayax dool ah oo kasoo kicitimay agagaarka magaalada Gabiiley oo udhaw magaalada Hargeysa uu ku habsadey magaalada Ayshaca kadibna uu usii gudbey magaalada Shiniile halkaasoo uu waxyeelo ugeystey dhirta iyo daaqa meelihii uu ku dagay. Read more ..
|
|
ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan oo ku hawlan sidii Sheekh Xasan Turki karkaarka loo weydaarin lahaa ... 29 Apr 2009 |
XOL: Kadib markii ay soo baxdey in heshiis nabadgalyo ah laga gaadhay shaqaaqooyinkii ka aloosnaa gobolada Jubooyinka ee udhaxeeyey ururka ONLF oo rabey iney saldhigyo kasameystaan halkaas oo dhinac ah iyo dadaka deegaanka iyo culimada gobolka oo dhinac ah waxaa markale dib u bilawdey in shirar badan ay kadhacaan meelaha qaar gaar ahaan waddanka Ingiriiska kaasoo si cad oo aan qarsoodi laheyn loogu soo bandhigey in ujeedka ONLF ay tahay sidii Sheekh Xasan Turki looga qaadi lahaa awoodda eebbe siiyey ee uu ku leeyahay gobolada Jubooyinka. Read more ..
|
|
Xasuuq ay ciidamada Tigreegu ka geysteen tuulada Qamuuda ... 27 Apr 2009 |
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka Qoraxey ayaa sheegaya in ciidamada Tigreegu ay qudha ka jareen dad shacab ah oo gaadhaya 8 ruux oo aan waxba galabsanin. Wararka aan ka heleyno aaggaas ayaa sidoo kale tibaaxaya in maalmo ka horna ay ciidamada Tigreegu aaggaas ku dileen labo ruux oo kale oo iyaguna shacabka ah. Sababta ay ciidamadan Tigreega sida billaa naxariista ah ug xasuuqayaan shacabka ayaa qayb ka ah dabargoynta balaadhan ee ay ciidamadaas ku hayaan umadda aan waxba galabsanin. Read more ..
|
|
Maxamed Cabdullaahi Xasan(Barre) oo ku geeriyoodey magaalada Nairobi ... 25 Apr 2009 |
Shaqaalaha bogga Xaajo iyo dhamaan bahda Samawadal ee ku nool waddanka UK waxey tacsi tiiraanyo leh udirayaan ehelkii, qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xasan(Barre) oo 22/04/09 ku geeriyoodey magaalada Naironi ee waddanka Kenya. Marxuum Barre ayaa in muddo ah kuxanuunsanaa waddanka Ingiriiska waxaana eebbe ugu baryeynaa inuu janadii geeyo dhamaan ehelkiisiina uu samir iyo iimaan ugu deeqo. Aamiin
|
|
Hay'ad cusub oo dhidbey:Somali Ogaden Educational Youth Association(OSEYA) ... 25 Apr 2009 |
KU:- Dhamaan cidda ay khusayso Waxaan dhamaan la socod-siinaynaa umadda somalida ogadenia meel kasta oo ay joogaanba gaar ahaan Jaaliyadaha, Ururada, iyo cid walba oo ay khusayso uguna bishaaray naynaa in la aas aasay urur dhalinyaro oo waxbarasho, ururkan oo lamagac baxay OGADEN SOMALI EDUCATIONAL YOUTH ASSOCIATION (OSEYA) ururkan oo la aas aasay 1/01/2009 laguna aas aasay Maamul Goboleedka Puntland gaar ahaan Gobolka bari magaalo madaxdiisa Bosaso. Read more ..
|
|
Warbixin:Shirkii Samafalka ahaa ee dhisitaanka Isbitaalka Dhoobley ee lagu qabtey London ... 24 Apr 2009 |
XOL:Shirweyne si wacan loo agaasimay ayaa lagu qabtay galbeedka London 19/04/09, kaas oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne badan oo isugu jiray qaybaha bulshaweynta Soomaaliyeed , hay'ado samafaleed & waxgarad isugu jiray rag iyo dumar. Shirkan kor ku xusan oo loogu talagaley in taageero samafaleed loo helo Isbitaalka laga dhisayo Dhoobley ayaa kadib markii lagu furey shirka aayadaha Qoraanka Kariimka ah iyo wacdi kooban .. Read more ..
|
|
|
|