xaajo logo
 
Bashiir Ceydaruus oo booqdey gobolka Godey balanqaadeyna hormarinta mashaariicda horumarinta ee Gobolka Godey ... 19 Mar 2009
XOL:Bashiir Cabdullaahi Caydaruus oo ah wasiir dawlo ka tirsan dawladda dhexe ee Ethiopia iyo wafti uu ku jiro oo booqdey magaalada Godey ayaa sheegey inuu u yimid magaalada Godey sidii dawladda dhexe gaar ahaan wasaaraddiisa beeraha ay ugu go antahay iney hormariyaan hawlaha horumarka ah ee ka jira gobolka gaar ahaan mashruuca Miraa Godey. Read more ..

Deegaanka ku xeeran magaalada Dhanaan oo ay ka jirto biyo la aan daran. ... 18 Mar 2009
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka Godey ayaa sheegaya in magaalada Dhanaan iyo nawaaxigeeda ay ka jirto abaar aad u ba'an taasoo keentey iney biyo la aan soo foodsaarto dadweynaha ku nool magaalada DHanaan iyo agagaarkeeda. Xalane Macalin Siraad oo ah guddoomiyaha magaalada Dhanaan ayaa qoraal qaylo dhaan ah soo gaadhsiiyey magaalada Jijiga isagoo ka codsanaya maamulka Kililka iney gargaar lasoo gaadhaan dadweynaha magaalada Dhanaan taasoo sida uu qoraalka ku sheegey qarka usaaran in dad badan ay biyo la aan u dhintaan. Read more ..

Innaa Lillaahi Waa Innaa Illaahi Raajicuun: Hooyo Shiraaq Dubad oo magaalada Nairobi ku geeriyootey ... 18 Mar 2009
XOL:Maamulka bogga Xaajo iyo shaqaalihiisa oo aad uga tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid hooyo Shiraaq Dubad Cumar oo ku geeriyootey magaalada Nairobi waxay tacsi udirayaan dhamaan ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdey gaar ahaan caruurteeda Ilma Axmed Nuur iyo qoyska ree Dubad Cumar guud ahaan meelkasta oo ay joogaanba. Waxaan eebbe uga baryeynaa inuu janadii geeyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyooteyna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
Xaajo.com


Dhiigyacab Zenaawi oo ka qaybgalaya shir kadhacaya London "Dareenkaaga Muuji" ... 16 Mar 2009
XOL:Waxaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa Soomaaligalbeed aan ku wargalineynaa in Dhiig yacab Zenaawi lagu casuumey shir ka dhacaya magaalada London ayna isugu imaanayaan waddama ku bahoobey G20. Dhamaan qawmiyadaha Ethiopia ayaa isu diyaarinaya iney ku banaanbaxaan goobta shirku ka dhacayo si ay dunida ugu muujiyaan in Zenaawi uu gabood fallo aan xisaab lahayn ku hayo shucuubta geeska Afrika. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan inaad dareenkaaga muujiso ku aaddan Dhiig yacab Zenaawi.... Read more ..

Wadajir iyo Waxwada Qabsi: Shir weynihii beesha reer Warfaa ee Norh America(Daawo Sawirada) ... 16 Mar 2009

XOL: Waxaa maalinimadii sabtida ahayd oo bisha march ahayd 14ka sanadkan 2009 ka dhacay gobolka minnesota ee wadanka maraykanka shir aad u balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen waxgaradka, aqoonyahanada, culimada iyo dhamaan indheer garadka beesha WArfaa waxyaheeda kala duwan haday noqon lahayd rag, dumar, dhalinyaro iyo waayeel intaba. Waxaa shirka xidhiidhinayay si wanaagsan u daadihinayay Cabdullaahi Muhumed Wali (Gab-Gable) oo ka hor inta uusan shirku bilaabanin..
Read more ..

Cabdiraxmaan Maadeey oo ku mashquulsan inuu soo cusbooneysiiyo Mashruucii ASHAHAADA la dirirkii ONLF ee Ogaadeenya iyo Jubooyinka ... 15 Mar 2009
XOL: Uqaybsanaha arimaha dibadda garabka Maxamed Cumar Cismaan ayaa in muddo ahba kusugnaa dalka Mareykanka gaar ahaan Washington isagoo naawilaya inuu kulamo la yeesho wasaaradda difaaca qaybteeda geeska Afrika. Maadeey ayaa lagu soo waramayaa inuu kulamo la yeeshey la taliyaha la taliyaha Congressman Donald Payne ninka lagu magacaabo Ted Degne oo ah nin Axmaar ah isla markaana ah ninka ceelka ku ridey ururka ONLF. Read more ..

Dagaal culus oo dhexmaray MJXSG iyo Ciidamada Tigreega gobolka Qoraxey ... 13 Mar 2009
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka Qoraxay ayaa sheegaya inuu dagaal adag ka dhacey meel aan ka fogeyn dagaal adag ku dhexmarey ururka MJXSG iyo ciidamada Tigreega. Dagaalan oo sida lasheegey socdey saacado ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu keenay khasaaro dhimasho badan oo laba dhinac ah. Read more ..

Ciidanka Booliska ee DDS oo gacanta ku dhigey labo nin oo dhul jiif ahaa ... 13 Mar 2009
XOL:Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jijiga ayaa sheegaya in ciidanka Booliska ee DDS ayaa gacanta ku dhigey labo nin oo ay ku eedeeyeen iney geysteen falal dhac ah oo ay ugeysteen dad ganacsato ah iyagoo dhanka kalena lagu sheegey iney Isbaarooyin dhigteen dhulka udhaxeeya magaalada Jijiga iyo magaalada Wajaale. Read more ..

Maamulka Qalaafe oo labo Matoor guddoonsiiyey labo Iskaashato oo beeraley ah ... 13 Mar 2009
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka Godey ayaa sheegaya in maamulka magaalada Qallaafe ay labo matoor oo kuwa biyaha ah ay siiyeen laba iskaashato oo ka hawlagala magaalada Qallaafe. Guddoomiyaha gobolka Godey Cabdinaasir maxamed Aadan oo gaadhey magaalada Qalaafe ayaa isagu guddoonsiiyey labadaas Matoor labada iskaashato. Read more ..

Maadeey oo ku mashquulsan inuu soo cusbooneysiiyo Mashruucii Shahaada la dirirka ee ONLF ... 13 Mar 2009
XOL: Uqaybsanaha arimaha dibadda garabka Maxamed Cumar Cismaan ayaa in muddo ahba kusugnaa dalka Mareykanka gaar ahaan Washington isagoo naawilaya inuu kulamo la yeesho wasaaradda difaaca qaybteeda geeska Afrika. Maadeey ayaa lagu soo waramayaa inuu kulamo la yeeshey la taliyaha la taliyaha Congressman Donald Payne ninka lagu magacaabo Ted Degne oo ah nin Axmaar ah isla markaana ah ninka ceelka ku ridey ururka ONLF. Read more ..

QALBI DUMAY: Nin Marti ahaa oo damcey inuu furo islaantii guriga u martida ka ahaa! ... 12 Mar 2009
XOL:Adduunka ninkii nool waxwalba ama wuu maqlaa ama wuuba arkaa waxeyna Soomaalidu tidhi " Nimaan dhul marin dhaayo maleh". Qiso cajiib ah oo qosolna leh ayuu nala wadaagey akhriste ku taxan bogga Xaajo. Qisadan ayaa ah mid kaa yaabineysa kaana qoslineysa waxeyna ku saabsan tahay nin soo martiyey ina adeerkii dabadeedna inta reerkii is qabey murmeen isagu udhaafey ina adeerkii xaaskiisii oo xanaaq dartiis damcey inuu gabadhii isagu dalaaqo! Bal dhugo sheekadan yaabka leh: Read more ..

Maamulka Kililka oo beeniyey sheegashada in ONLF qabsatey Mustaxiil ... 12 Mar 2009
XOL:Kadib markii warbaahinta lagu asqeeyey in ururka ONLF ay qabsadeen magaalada Mustaxiil oo ka tirsan gobolka Godey iyadoo lasheegey in ururka ONLF ay qabsatey magaalada Mustaxiil isla markaana ay qarka usaarnaayeen iney qabsadaan magaalada Qallaafe. Maamulka Kililka oo arintaasi ka hadley ayaa ku tilmaamay iney tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana sheegey inuusan wax dagaal ah ka dhicin magaalada Mustaxiil. Read more ..