| |
|
Ogeysiis:Somali Ogaden Community Association(SOCA) UK oo qabaneysa Shir Tacsiyeedkii Dr Doolaal. ... 05 Feb 2009 |
XOL: Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee waddanka UK waxey dadweynaha Ogaadeenya ku wargalineysaa iney Jaaliyaddu soo qabanqaabisey kulan aad u weyn oo tacsiyeed laguna xusayo isla markaana loogu duceynayo Dr Maxamed Siraad Doolaal waxaana la farayaa in bulshada ku nool magaalada London iyo guud ahaan waddanka Ingiriiska ay kasoo qaybgalaan kulankan. Kulankan oo ah mid aad loosoo agaasimey ayna kasoo qaybgalayaan dad ka imaanaya waddamo kala duwan, waxuu udhacayaa sidan:
Somali Ogadenian Community Association [SOCA]
At AFRICAN CARIBBEAN COUNCIL Address:9 Clarendon, Road Hornsey London, N8 0DJ
Date: 21/02/09
Start: 2.00pm Finish: 8:00pm
Contact: 07903437274 :07983423021 : 07984801149 : 07949142837
|
|
Gacan ka hadal iyo Tooriyeyn ka dhacdey magaalada Nairobi ... 04 Feb 2009 |
XOL:Wararka naga soo gaadhaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay gacan ka hadal iyo dagaal iyo istooriyeyn kadib markii kulamo is daba joog ahaa oo la xidhiidhey tacsidii Dr Maxamed Siraad Doolaal lagu qabtey meelo kala duwan dacalada adduunka oo ay ku jirto magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Read more ..
|
|
Qoraal talo, Amaan iyo waano ah oo Akhriste usoo direy Boggan Xaajo.com ... 03 Feb 2009 |
Runtii ugu horayn waxa aan salaamayaa dhamaan maamulka sharafta leh ee xaajo, salaan kadaib waxa aan dhamaan umada ree ogadeeniya ooga tacsiyaynhyaa geeridii lama ilaawaanka ahayd ee ku timid hogaankeenii qaaliga ahaa Dr maxamad siraad doolaal waxaana leeyahay ilaahay samir iyo iimaan hanaga wada siiyo isagana janadii fardawsa ahayd ha ka waraabiyo.Intaas kadib boggan xaajo oo aan anigu ahaan u hayo.. Read more ..
|
|
Kulan Tacsiyadeed ka dhacay Edmonton, Alberta,Canada oo loo qabtey Marxuum Doolaal. ... 03 Feb 2009 |
XOL:Kulan tacsiyadeed oo ka dhacay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalka Canada maalintii Axadda 1dii Febraayo ayaa waxaa ka soo qayb galay dad Soomaaliyeed oo aad u fara badan oo ka kala yimid meelo badan oo gobolkan ka tirsan.Munaasabadaas oo ahayd tacsi loo qabtay halyeey DR:maxamed siraad doolaal. Tacsida naftii hure Doolaal ayaa looga tacsiyeeyay dhamaanba bulsha waynta Soomaaliyeed, gaar ahaana bulshad reer Ogaadeeniya, iyo xaaskii,caruurtii,qaraabadii iyo eheladii uu ka shihiiday. Read more ..
|
|
Tacsi Baroor Diiq ah oo Copenhagan Loogu Sameeyey Marxuum Dr.Maxamed Siraad Doolaal ... 03 Feb 2009 |
 XOL: Munaasabad tacsi ah oo loogu baroor diiqayay geeridii naxdinta, tiiraanyadda iyo murugadaba xambaarsanayd ee ku timid Gud.Golaha Sare, ee Jwxo,Dr.Mohamed Siraad Doolaal ayaa lagu qabtay Magaaladda Copenhagern ee dalka Denmark 31.01.09.Waxaa baroor diiqaas isugu yimid boqolaal qof oo ka kooban qaybaha kala duwan ee Bulsho weynta Ogaadeenya ee wadanka Denmark, sida Jaaliyadda taageersan Golaha Sare ee Jwxo, oo uu Dr.Doolaal Gud.u aha, Hooyooyinka, Ururka .... Read more ..
|
|
Qaybtii 1aad: Qiso cajiib ah oo dhexmartey Magan iyo Cali Dhuux kana dhacday Ogaadeenya. ... 02 Feb 2009 |
Suugaanta Soomaalida dhexdeeda caanka ku ah waxaa ka mid ah Silsiladda Rayad, dadka qaarkiina Guba si khaldan ugu yeedho. Silsiladdaa waxaa billaabay gabayaagii la odhan jiray Cali-dhuux Aadan Goroyo waxaana ka qayb qaatay rag tiradoodu soddomeeyo cagacagaysay. Waxay taariikhyahanada iyo gabay-ruugyada silsiladdan u kuurgalay sheegeen inay dhawr sababood Cali-dhuux ku kaliftay inuu gabayada furo. Sababahaa waxaa ka mid ah colaad uu si gaar ah ugu hayey laf lafaha Ogaadeen ka mid ah oo uu xidid iyo inan-la-yaalba u ahaa. Dhawr qiso oo la xidhiidha godobta Cali-dhuux tirsanayey ayey taariikhdu soo rartay. Mid qisooyinkaa ka mid ah ayaan qormadan si kooban ugu eegayaa. Read more ..
|
|
Golaha sare ee ONLF oo shir ay yeesheen magacaabey gudoomiye iyo labo kuxigeen ... 01 Feb 2009 |
XOL:Shir ay golaha sare ee ONLF ku yeesheen magaalada Cambridge ee dalka Ingiriiska ay ku doorteen qofkii baddali lahaa Dr Maxamed Siraad Doolaal iyadoo sidoo kale halkaas lagu doortey labo gudoomiye ku xigeen. Eng Salaaxuddiin Macoow oo ahaa ku xigeenkii Dr Doolaal waxaa loo doortey guddoomiyaha Golaha sare, meesha Korneyl Xuseen Weyne loo doortey guddoomiye Kuxigeenka 1aad sidoo kalena Fuaad Faarax Xidhkayoome loo doortey guddoomiye Kuxigeenka labaad... Wareegtadii nasoo gaadheyna sidan ayay ku qorneyd: Read more ..
|
|
Ciidamada Tigreega oo dab qabadsiiyey tuulada Qodaxleey ee gobolka Qoraxey ... 01 Feb 2009 |
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka Qoraxey ayaa sheegaya in ciidamada Tigreegu ay dab qabadsiiyeen reer daggan meel lagu magacaabo Qodaxleey oo ku taalla gobolka Qoraxey. Wararka naga soo gaadhaya halkaas ayaa sheegaya in markii ay ciidamada Tigreegu ay gubayeen dabkana ay qabadsiinayeen ay dadkii ku noolaa meeshaas ay intooda badan ku maqnaayeen beerahooda iyadoo dad waayeel iyo caruur halkaas joogeyna ay daawanayeen qaabka guryahooda dabka loo qabadsiinayo iyagoo aan lahayn wax awood ah oo aan ka ahayn iney si edeb ah u daawadaan guryahooda ololkooda oo aan ......... Read more ..
|
|
Jamaal Dheere waxaa loo diley inuu taageeray Dr Maxamed Siraad Doolaal!(UPDATED) ... 30 Jan 2009 |
   XOL:Jamaal Faarax Odol oo Dr Maxamed Siraad Doolaal ka raacey Kenya ayaa 11 sano oo ONLF ahaa Tigreegana habeen iyo maalinba heeray hadhkoo cad ay dileen ururka ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan. Lama isweydiin, waxtacsi ahna looma soo daabicin. Jamaal Dheere waxuu udhintey oo kaliya inuu taageerey Dr Maxamed Siraad Doolaal. Si kastaba ha ahaatee dilka Dr Maxamed Siraad Doolaal oo bulshada Ogaadeenya inteeda badan naxdin ku noqotey ayay maanta xaajo markii ugu horeysey kuu soo bandhigeysaa sheekada Oohinta Yaxaaska ee ONLF garabka Maxamed Cumar ay ku dhaqaaqeen kadib markey habeen iyo maalin ku taamayeen iney dilaan Dr Doolaal! Xagga hoose ka Dhageyso Codkii Dr Doolaal 14.01.09.... Read more ..
|
|
Maxaad ka taqaanaa ururka dhalin yarada ee UDUG? ... 29 Jan 2009 |
Mashruuca horumarinta Garbo waa mashruuc gundhigiisu yahay horumarinta dhinacyada kaladuwan ee nolosha ee magaalada Garbo. Mashruucaas ayaa meelo badan oo dalkii iyo dibadaba isugu jira kule faracyo. Meelahaas waxaa kamida dalka Kenya oo ay joogto jaaliyad balaadhan oo udhalatay dagmada Garbo. Hadaba mashruucan horumarinta Garbo waaxdiisa Kenya ka hawlgasha ayaa waxaa loo yaqaanaa UDUG. UDUG wuxuu gaar uyahay dhalinyarado kudhaqan dalka Kenya ee reer Garbo. Read more ..
|
|
|
|