| |
|
Been orodday Runtu ma gaadhaa!. Wiilkii lagu masibadey inuu Qaraxa ka geystey Hoteel Shaamoow |
XOL:Waxaa dhamaan umadda Soomaaliyeed maalmihii u danbeeyey hadheeyey hadallo ay saxaafadda Soomaaliyeed ka qortey qaraxii masiibada ahaa ee ka dhacay Hoteel Shaamoow 3.12.09. Qaraxan ayaa waxaa ku geeriyoodey dad aan waxba galabsanin waxaana umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto ku dhacay argagax. Markiiba Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa magacowdey wiil kamid ahaa dadkii meesha ku dhintey inuu ahaa ninkii qaraxa geystey.
Iyadoo aan illaa iyo hadda la caddeynin waxa sababay qaraxa inuu ahaa qof is qarxiyey, Wax lasoo tuurey, wax dhulka la galiyey ayaa haddana markiiba waxaa la wariyey inuu ahaa wiilka kamid ah dadkii meesha ku halaagsamey. Haddaba Maxaa keeney in wiilkan lagu dagdago:
Haddii lagu garanwaayo! Cabdiraxmaan waxuu ahaa wiil kamid ahaa dadkii meesha ku dhintey waxaana noqotey argagax in meeshii loo tacsiyen lahaa qoyskii wiilkan sida dadkii kale ee meeshaas ku nafwaayey. Markii qaraxan dhacey waxaa dhacdey in ninwalba qofkiisa uu sheegto dabadeedna ay dhacdey in la aqoonsanwaayo wiilkan dabadeedna la yidhaahdo waakan isagaana ka danbeeyay qaraxan. Saxaafadda ayaa markiiba ku orodday iyadoo wiilka maydkiisa lagu soo sawiray Maro madoow oo caloosha loo saarey iyadoo lagu sheegayo in wiilkan uu watey Jilbaab sidaasna uu kusoo galay.
Wasiirka warfaafinta dawladda Soomaaliya Daahir Geelle ayaa isagoon ka fiirsan wax caddeyn ahna keenin ku celiyey in wiilka qaraxa geystey inuu yahay wiilka ka yimid Denmark. Dawladda Denmark ayaa iyadu isku daydey iney soo xaqiijiso in wiilkani yahay midkii qaraxa geystey iyo inkale balse illaa iyo hadda ma dhicin in dawlada Denmark ay caddeyso in wiilkani yahay midka sameeyey qaraxa.
Maxaa run ah:? Wiilkan Cabdiraxmaan ayaa ahaa wiil ka tagay Denmark balse waxay qoyskiisii iyo dadkii yaqaaney ay sheegeen in wiilkan lagu casuumey xafladdaas sidaasna uu ku yimid kana mid ahaa dadkii masiibadaas ku halaagsamey. U fiirso qaraxa diley in kabadan 40 ruux isla markaana waxyeelo gaadhsiiyey dad gaadhaya 100 ruuux oo qaarkood ay banaanka ka joogeen xafladda in qofkii geystey uu qaarkiisa hore badqabo. Waxaa hadda soo baxdey in arintaas lagu dagdagay ayna been tahay balse waxaa adag in beentii oraddey la gaadho. Bal ufiirso wiilka lagu sheegey inuu is qarxiyey ee la yidhi Jilbaab ayuu soo xidhey isagoo kamid ah dadka xafladda daawanaya oo qaba Shaanti gacma gaab ah. Bal u fiirso sawirkan:
Maxamed Xasan Geelle oo ah masuulka ugu sareeya dadka ajaanibta ah ee ku nool waddanka Denmark ayaa warbxin iyo wareysi siiyey Idacaadda ku taalla dalka Denmark oo Afsoomaali ku hadasha. Maxamed Xasan Geelle ayaa sheegey inuu wiilkan iyo qoyskiisa yaqaaney muddo ka badan 18 sano waxuuna ku sheegey in wiilkan yahay mid ka tagay Denmark illaa iyo haddana aysan dhicin wax cadeyn ah oo arintan meel saarta.
HALKAN KA DHAGEYSO MAXAMED XASAN GEELLE |
Print this Article Comment(s)
|
|
|