xaajo logo
 
Mashruuca Waxbarashada Shilaabo oo gaadhey guushii ugu weyneyd taariikhda Shilaabo
Dugsiga sare ee Shilaabo oo shan jirsaday ayaa habsami u socodkiisu noqday wax lagu diirsado oo loo riyaaqo. Mashruucan jahli ladirirka ah ayaa kasoo maaxday maskaxda bulshada qurba joogta ah ee reer Shilaabo sannadkii 2004kii, hal sano oo diyaargarow ah kaddib ayaa fasalkii ugu horreeyey oo dugsi sare ah (fasalka 9aad) albaabada loo furay, iyadoo awel ay waxbarashadu ku koobnayd ilaa fasalka 8aad (dugsiga hoose-dhexe).

Mashruucan oo halku dheggiisu caan ku yahay “wixii dad u kaco Rabbina aqbalo waa rumoobaan” ayaa waxaa dadaal badan u galay jaaliyadda reer shilaabo ee dibedaha ku dhaqan kuwaasoo ugu dambayntii ka libkeenay dadaalkoodii, jaaliyaddu waxay iska xilsaartay inay hesho macallimiin aqoon sare leh oo ka hawlgala degmada Shilaabo, jaaliyadduna ay dhankeeda bixiso mushaarkoodii iyo weliba tigidh dayuuradeed oo sii socod iyo soo socod ah maaddaama ay macallimiintu ka tegayeen magaalooyinka Jigjiga iyo Diredawa taas oo iyana lagu guulaystay.

Tan iyo wakhtigaas aan soo xusnay ayaa sannad walba dufcad hor lehi ka soo baxaysay oo ay ka muuqato xamaasad iyo xiiso waxbarasho kuwaasoo markay ka soo baxaan fasalka 10aad ku biirayey mac-hadyada iyo kulliyadaha lagu barto xirfadaha kala duwan oo ay kamidtahay TTI (Teacher Ttraining Institute) balse ayna ku jirin caafimaadku .

Systemka waxbarashada ee Ethiopia ayaa dugsiga sare wuxuu ku egyahay fasalka 10aad, ardayga fasalka 10aad dhibco hoose layimaada ma geli karo caafimaad iyo preparatory. Preparatory waxay u dhigantaa fasalladii 11aad iyo 12aad kuwaasoo ardayga loogu layliyo inuu jaamacad u gudbo.

HEERKA TAYADA WAXBARASHO EE DUGSIGA SARE EE SHILAABO

Shilaabo ayaa ka mid ah degmooyinka faro kutiriska ah ee nasiib u helay in ubadkoodu ayna meel fog waxbarasho u doonan iyadoo wiilasha iyo gabdhuhuba si hufan waxbarshadooda uga helaan deegaankooda, sannadba sannadka ka dambeeya ayaa ardayda tiradoodu sii badanaysay tayadooduna kor ugu sii kacaysay illaa ay karkaarka jebiyaan sannad dugsiyeedkii ugu dambeeyey ee 2008-2009.

Sannadkaas 2008-2009 ayaa fasalka 10aad ee dugsiga sare ee Shilaabo waxaa imtixaankii u fadhiistay 116 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxaase layaab iyo amakaak ku noqday guddiga imyixaanka qaada oo kasocda dawladda federalka ah fadhiisinkiisuna yahay Addiss-ababa in 116dii arday ee intixaanka gashay ay dhammaantood gudbaan, waxaa kaloo farxad iyo raynrayn u ah waaliddinta iyo ardayda iyo jaaliyadda dibedda ee reer shilaabo oo iyagu abuuray mashruucan ina 116kii arday 5 kamid ah mooyaane 111kii kale ay ku baaseen dhibcaha ugu sarreeya cel-celis ahaan ee loogu talo galay inuu ardaygu ku gelikari martabadihii aan soo sheegnay ee caafimaadka iyo preparatory ugana sii gudbaan jaamacad.

SHILAABO OO NOQOTAY GOOBTII 3AAD EE LAGA FURO PREPARATORY

Sida laga warqabo fasalladan 11aad iyo 12aad ee ardayda loogu layliyo Jaamacadda waxay ku yaallaan oo qudha magaalooyinka Jigjiga iyo Qabridaharre, sidaas darted ardayda ka soo baxa dugsiyada sare sida shilaabo ma helaan meel ay ku sii wataan tacliintooda sare, caqabaddaas soo food saartay ubadkaas da’yarta ah ee u heellan inay sii wataan taclliintooda sare ayaa wixii ku biira mac-hadyada kala duwan mooyee intoodii kale laga dareemay niyad jab iyo walahow taas ayaana markale waxaa ka damqaday walaalahooda qurba joogta ah ee awelba ka gurmaday markii taclliintoodu ku ekayd fasalka 8aad, dadaal faro badan iyo isla tashi uu yeeshay maamulka golaha reer-shilaabo ee qurba joogta ah oo gacan ka helay xildhibaan Cabdirashiid Cabdul Jaamac oo laga soo doorto degmada Shilaabo ayaa markii xafiiska wasaaradda waxbarashada ee deegaanka soomaalidu arkay dadaalka iyo dhibcaha sare ee ardayda waxaa suurtowday in laga furo magaalada Shilaabo Preparatory sannadkanna lagu billaabay fasalkii 11aad taasoo ay durba is diiwaangeliyeen 46 arday (27 wiil & 19 gabdhood) iyadoo weli diiwaangelintii socoto, halka sannad dugsiyeedkan 2009-2010 fasalka 10aad ay isdiiwaangelisay 153 arday (82 wiil & 71 gabdhood).

Maamulka golaha reer shilaabo wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ardaydaas uu u bidhaamayo mustaqbalka wanaagsan wuxuuna Ilaahay uga baryayaa inay noqdaan kuwo loo aayo.

Sidoo kale wuxuu maamulku u mahad celinayaa qurba joogta reer shilaabo oo iyagu Ilaahay ka sokow suurto geliyey socodka mashruucan wuxuuna maamulka leeyahay ha daalina geeddiga waxaan ku furaynaa geedahaas damalka ahe.

Wixii dad u kaco Rabbina aqbalo waa rumoobaan.

Maamulka golaha Reer Shilaabo


Print this Article     Comment(s)