| |
|
Daauud oo shaqo looga baadhayo wasaaradaha dawladda Dhexe |
Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Daauud Maxamed Cali ayaa lagu soo waramayaa kadib khilaafkii dhexmaray isaga iyo hoggaanka Nabadgalyada iyo Cadaaladda DDS Cabdi MAxamed Cumar ay horseedey inuu orod ku gaadho magaalada Addisababa isagoo codsadey in dawladdu soo dhexgasho labada masuul meesha Cabdi Maxamed Cumar uu shaqadiisii iska wato.
Warar hoose oo aan ka helney magaalada Addisababa ayaa sheegaya in saraakiisha dawladda Federaalku ay kula taliyeen iney shaqo uga baadhaan wasaaradaha kala duwan ee dawladda dhexe oo uu ka tanaasulo xilka madaxnimada deegaanka taasoo loo fasiran karo in Cabdi Maxamed Cumar noqon doono madaxweynaha deegaanka Soomaalida haddii ay taasi dhacdo.
Rag ay isku dhawaayeen Daauud oo kamid yihiin Bashiir Caydaruuus iyo Axmed Shide ayaa ka shaqo bilaabey dawladda dhexe iyadoo lasheegey inuu Daauud masuul ka ahaa in raggaas ay Jijiga kasoo tagaan xilligii uu baadi goobka ugu jirey qabsashada madaxweynaha deegaanka.
Xaajo.com |
Print this Article Comment(s)
|
|
|