xaajo logo
 
Dr Cabdi Caydiid Xiireey iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed P.E. Oo kulmay(Sixitaan)
DR Cabdi Caydiid Xiireey ayaa ka qaybgalay kulan balaadhan oo ay soo qabanqaabisey jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada P.E ee dalka South Afrika iyadoo halkaas looga tashadey sidii loo dhameystiri lahaa isbitaalka magaalada Dhoobley.Jaaliyadda oo shir balaadhan u qabatay Dr. Cabdi, ayaa shirkaas waxaa hadalo kooban ka jeediyey culuma'udin, masuuliyiinta jaaliyadda, iyo xubnaha jaaliyadda ee gobolka Eastern Cape.

Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxey ka mid ahaaa

1- Sheekh Xufeyfe Cali Raage oo kulanka daadihinayey

2- C/qaadir Xasan Axmed oo ku furay Aayado Quraan ah

3- Sheekh Maxamud Cabdi Daahir oo waaniyey ka soo qeybgalayaasha

Intaas kadib, waxaa warbixin dheer meesha ka soo jeediyey gudoomiyaha jaaliyadda gobolka, C/raxmaan Raabi, oo ka warbixiyey xalaada jaaliyadda gobolka, isla markaaana makarafoonka ku soo dhaweeyey Dr. Cabdi Caydiid Xiireey, oo uu taariikhdiisa oo kooban goobta ka sheegay.

Dr. Cabdi ayaa dadkii shirka ka soo qeybgalay goobtii ku tusiyey warbixino magal iyo muuqaal ah, oo uu ka soo duubay safarkiisi ugu danbeeyey gobolka Jubbada Hoose xaaladda caafimaad iyo bulsho ee ka jirta magaalada Dhoobley.

Gabagabadii shirka ayaa waxey jaaliyaddii yabooh dhaqaale u sameysay isbitaalka magaalada Dhoobley.

Dr. Cabdi ayaa meesha ka sheegay qeybaha isbitaalka Dhoobley ee hadda shaqeynaya oo kala ah:

1- qeybta qaliinka iyo arrimaha deg deg ah
2- qeybta haweenka iyo umulitaanka
3- qeybta bukaan socodka

Waxa isbitaalka u dhiman qeybaha kala ah:

1- qeybta jab jabka
2- misaajid
3- ceel biyo
4- dugsi tabo bar oo lagu tabo baro kalkaaliyaasha caafimaadka

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)