xaajo logo
 
Sanad Wanaagsan nabad iyo Caano: Maxaase ugu hadalheyn badnaa sanadii tagay 2009?
XOL:Maamulka bogga Xaajo waxuu umadda Ogaadeenya meelkasta oo ay joogaanba u rajeynayaa sanad wanaagsan oo horseeda nabad iyo hormar waxaana eebbe uga baryeynaa in umadda qalbigooda isku dumo, walaaleeyo wanaaggana ay wada qabsadaan, diintoodana eebbe ku sugo iyadana uu kuwada dilo. Ducadaas kadib waxaan soo koobeynaa dhacdooyinkii ugu hadal haynta badnaa sanadkii 2009.

Sanadkii 2009 waxuu ahaa mid aad u xanuun iyo xamaasad badan waxaana uu kamid ahaa sanadyadii hore ee xanuunka badnaa umaddeena u soo dhacey. Haddaba waxaa sanadkii ugu danbeeyey ugu hadalheyn badnaa saddex arimood kuwaasoo aan halkan kusoo koobi doono.

Dilkii Dr Maxamed Siraad Doolaal

Arintii ugu hadal haynta badneyd sanadkii 2009 waxey ahayd dilkii Dr Maxamed Siraad Doolaal oo 17 kii Bishii January lagu diley gobolka Godey. Dilka Dr Maxamed Siraad Doolaal ayaa umadda gobolka dal iyo dibadba kusoo kordhiyey hadal hayn aad u badan kaasoo horseedey kala jabkii ugu weynaa ee soo mara ururka ONLF tan iyo intii la abuurey. Khilaafkani waxuu abuurey shaki badan iyo kala fogaansho aan illaa iyo hadda dhamaanin. Haddaba maxey tahay sababta keentey khilaafkaas maaddaama maalinwalba ay dhimanayeen dad badan oo siyaabo kala duwan ugu dhintey gudaha iyagoo dagaal ku jira?

Dilka Dr Maxamed Siraad Doolaal illaa iyo hadda lagama gaadhin gabagabo waxaana wali ka taagan su aalo badan taasaana keentey in khikaafku abuurmo. Sababtoo ah waxaa dilka Dr Doolaal ka horeeyey hadallo badan iyo warsaxaafadeedyo kasoo baxey ONLF kuwaasoo lagu shaaciyey saxaafadda laguna weeraray Dr Doolaal. Kasokoow hadal haynta iyo is maandhaafkii u dhaxeeyey ONLF, waxay ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan dileen Jamaal Dheere oo ahaa xubin ahaan jirey ONLF muddo badan sababta loodileyna ay ahayd inuu Dr Doolaal ka raacey Xeryaha qaxootiga ee Kenya. Garabka Maxamed Cumar Cismaan ma aysan inkirin iney dileen Jamaal Dheere.

Dad aad u badan oo ahaan jirey ONLF ayaa faraha kala baxey markii ay caddaatey in ONLF ay dishey Jamaal Dheere kadibna soo baxey tuhun xoog badan oo ahaa iney wax ka maleegtey dilkii Dr Doolaal iyadoo wali ay jiraan baadhitaano badan oo socda. Arintan ayaa noqotey middii sanadkii 2009 ugu hadal haynta badney isla markaana ugu caqabadda badneyd ee soo marta ONLF.

Socdaalkii Waftiga Kililka

Wafti heer sare ah ayaa markii ugu horeysey soo gaadhey waddamada Yurub iyagoo usoo qasdey iney la kulmaan jaaliyadda gobolka udhashey waxeyna ugu horeen kasoo dageen dalka Sweden. Waftigan oo ka koobnaa dhawr xubnood ayaa kulamo la yeeshey jaaliyadda udhalatey gobolka ee kusugan waddanka Swedan iyo midka UK oo ay markii danbe yimaaddeen.

Socdaalka waftigan oo ahaa midkii ugu horeeyey ee noociisa ah ayaa waxuu ahaa midkii labaad ee loogu hadal haynta badnaa siyaabo badan awgood. Midda 1aad waxaa dalka Swedan ka dhacey fal aad u xumaa oo loo geystet muwaadhin u dhashey gobolka kaasoo ay jidhdil xun u geysteen taageerayaasha ONLF taasoo aan illaa iyo hadda wax jawaab ah aysan ONLF ka bixininin. Jidhdilkaas loo geystey muwaadhinkaas waxaa garab socdey hadal heynta waftiga Kililka oo dadka qaar u arkeen fursad wanaagsan oo si xor ah loola hadli karo masuuliyiinta meesha dad qaarna ay u arkayeen inaan loo ogolaanin iney dibaddaba yimaaddaan.

Shirarkii ay jaaliyaadku la galeen waftigan waxaa ka dhashey heshiis taariikhi noqdey oo waftiga laga codsadey iney cafiyaan maxaabiista deegaanka taasoo munaasabaddii ciiddii Fitriga maxaabiis badan oodda laga qaadey. Arinkaas oo dal iyo dibadba lasoo dhaweeyey waxey ahayd midhihii socdaalka waftiga Kililka.Madaxweynaha deegaanka Daauud Maxamed Cali ayaa isku dayay inuu isna u kicitimo Maraykanka balse uma aysan suuro galin isagoo la kulmi lahaa jaaliyada Maraykanka ee gobolka u dhalatey.

Waftigii Kililku waxey balanqaadeen iney xidhiidh wanaagsan lasameynayaan jaaliyaadka qurba joogya iyagoo sheegey iney diyaariyeen dhul weyn oo ku yaalla magaalada Jijiga kaasoo lasiin doono qurba joogta. Inkastoo aannaan illaa iyo hadda ka war helin wax jaaliyad ah oo heshey dhulkaas balse waxaan isku dayaynaa inaan wax kasoo ogaano.


Sanadka 2010?

Sanadka 2010 waxuu bilawdey waxyar kadib markii dawladda Erateriya lagu rogey cuna qabatey dal iyo dibadba ah. Waxaa kale soo aaddan doorashadii dalka Ethiopia? Labadan arimood oo is biirsadey waxaa laga yaabaa waji cusub inuu galo dhulka Ogaadeenya balse waa mid aan lasaadaalin karin. Xaalka Soomaaliya waa mid cakiran waana mid saameyn wayn ku leh shacabka iyo dalka Ogaadeenya. Qurba joogta dareen badan ayay u hayaan waddankoodii waxeyna habeen iyo dharaarba jecelaan lahaayeen iney fasaxyada tagaan iyagoo aan cabsi qabin waana ay sugayaan.


Geedkii Laga heley Qoraxey

Waxaa iyana muddo ina masquuliyey geedkii laga heley gobolka ee noqdey midkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee dunida laga heley. Geedkan oo ku badan gobolka wali magaciisa lama sheegin dadaal badan oo aan iksu dayneyna nooma suuro galin inaan helno magaca geedkaas.

Hadal hayn badan ayaa ka aloosan ceelasha shidaalka ee gobolka lamana oga maxsuulka ka dhalan kara sanadka 2010. Isku soo duuboo waxaan eebbe ka baryeynaa inuu sanadkan kiisa nabad iyo caano inagu wada simo!

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)