xaajo logo
 
Eng Salaaxudiin oo Munaasabadda Sanadka Cusub Salaan udiraya shacabka Ogaadeenya
Guddoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo] Eng. Saalax Cabdiraxmaan Xaajo Macow, oo dhalashada sanadka cusub awgeed dhamaal hambalyo ah u diray dhamaan ummada Somalida Ogadeeniya, gaar ahaana N/hurayaasha ciidanka Xoreynta Ogadeeniya ee furinta ku jira iyo xaasaskooda.

Waxaa uu si gaar ah ugu rajeeyey xubnaha ciidanka xoreynta Ogadeeniya iyo xaasaskoodaba in sanadkan kiisa kale ay ku gaadhaan caafimaad iyo guul ay u horseedaan ummadooda.

Guddoomiyi Eng. Saalax, waxaa uu guud ahaan ummada Somalida Ogadeeniya uga bayey in wanaag iyo horumar ay ka gaadhaan sanadka cusub halganka ay ugu jiraan sidii ay dhulkooda uga xorayn lahaayeen gumaysiga Itobiya ee haatan uu ku amar ku taagleeyo KT Malise iyo beshiisa.

Guddoomiyuhu waxaa uu ummada Somalida Ogadeeniya ugu baaqay in ay xoojiyaan halganka iyada oo aan loo kala hadhin, iyada oo meel la iska dhigayo hadii ay jiraan xurgufo u dhaxeeya, masuuliyiinta qaarkood. Umma baahna halganku qaybsanaan, umma baahna halganu in la isku ildhawro, halganku waxaa uu u baahan yahay isku duubni iyo wada tashi.

Xukuumada Itobiya maanta way wiiqantay, waxaana gadaamada haysta qoomiyado tira badan oo iyagu waligoodba ku hoos dulmanaa gumaysatada Itobiya. Galitaanii ay gashay Somaliya waxay ku reebtay filiqsanan ciidan iyo kala amarqaadasho la,aan cidankeeda. Waxaa kale oo ka soo odmay iridihii siyaasadeed, ka dib kolkii uu aduunka oo dhan ogaadey in ay tahay xukuumada ka jirta Itobiya mid kali talis ah.

Hadaba, iyada oo ay ummada Somalida Ogadeeniya ka faa,iidaysanayso codowyada tirada badan ee ay yeelatay Itobiya ayey lama huraan tahay in aan laba jibaarno halganka xornimo doonka ah.

Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo]
Eng. Salaax Cabdiraxmaan Xaaji Macow


Print this Article     Comment(s)