| |
|
Xafiiska Hormarinta Awbarre oo beeraley u qaybiyey Matooro |
Xafiiska Hormarinta iyo xoolaha ee dagmada Awbarre ayaa shaaciyey in maamulka dagmadaasi ay soo iibsadeen matooro badan oo ah kuwa waraabiya beeraha kuwaasoo loogu talo galay in loo qaybiyo dadka beeralayda ah ee ku dhaqan dagmada Awbarre.
Madaxa Xafiiska Hormarinta xoolaha iyo beeraha Maxamed Nuur Yuusuf ayaa sheegey in xafiisku soo gadey matooro gacmeed gaadhaya 40 kuwaasoo 38 kamid ah loo qaybiyey beeralayda Awbare. Matooradan ayaa waxet qiyaastii biyo gaadhsiinn karayaan dhul baaxaddiisu dhan yahay 69.5 Hectre.
Sidoo maamulka dagmada Awbare ayaa sheegey iney soo gadeen 1800 oo Canbo laf ah kaasoo ah mid ku baxa waqti dhan 3 sano meesha geedka Canbaha ee caadiga ahi uu qaato muddo aad u dheer.
Talaabadan ay maamulka Awbarre qaaddey ayaa ah mid aad loosoo dhaweeyey dad badan oo beeraley ahina ku farxeen.
Xaajo.com Jijiga |
Print this Article Comment(s)
|
|
|