xaajo logo
 
Guddoomiyaha Gobolka Godey oo kormeer ku jooga magaalada Qalaafe
Guddoomiyaha gobolka Godey Cabdinaasir Maxamed Aadan iyo wafti uu hogaaminayo oo heer gobol ah ayaa kormeer shaqo ku maraya magaalada caanka ah ee Qalaafe iyadoo waftidani u kuurgalayaan mashaariicda kasocota magaalada Qalaafe.

Waftigan ayaa soo booqdey illaa dhawr mashruuc oo ah kuwa caafiimaad iyo waxbarasho iyagoo sidoo kalena soo eegey mashaariicda beeraha ee magaalada Qalaafe.Guddoomiyaha gobolka ayaa maamulka Qalaafe ku amaaney dadaalka hormarineed iyo kan nabadgalyo ee ay kaqaybqaadanayaan. Maamulka dagmada Qalaafe ayaa ku amaaney waftiga heer gobol iyo guud ahaan maamulka Kililku iney si wanagsan u caawiyaan magaalada Qalaafe.

Magaalada Qalaafe ayaa waxaa laga soo sheegaa in tayada Waxbarasho ay aad u hooseyso loona baahan yahay in wax laga qabto.

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)