| |
|
Xuska Xoola Dhaqatada Ethiopia oo lagu qabandoono magaalada Jijiga |
XOL:Caasimadda DDS ee Jijiga ayaa markii ugu horeysey lagu wadaa iney marti galiso maalinta xuska xoolo dhaqatada dalka Ethiopia taasoo dhamaan dalka Ethiopia looga diyaar garoobayo. Afhayeenka Baarlamaanka DDS mudane Maxamed Isaaq Ibraahim ayaa isagu sheegey in dhamaan waxii diyaar garoow ahaa ee la xidhiidhey munaasabaddan lasoo gabagabeeyey iyadoo lagu wado in dhamaan xoola dhaqatada Ethiopia ay halkaas kusoo bandhigaan dhaqamadooda kala duwan halkaasna ay ku kala faaiideystaan.
Munaasabaddan ayaa lagu wadaa in abaal marin lagu siiyo dad gaadhaya illaa 200 ruux kuwaasoo loo asteeyeyey iney yihiin kuwa wax wanaagsan ka qabtey nolosha xoola dhaqatada dalka Ethiopia.
shacabka Deegaanka Soomaalida ayaa intooda badan ah kuwa ah xoolo dhaqato noloshooduna ku tiirsan tahay xoolaha nool.
Xaajo.com Jijiga |
Print this Article Comment(s)
|
|
|