xaajo logo
 
Qurba Joogta Deegaanka Soomaalida oo balanqaadey iney maalgashadaan dalkooda
XOL: Waxaa magaalada Jijiga markii ugu horeysey ka dhacay shir ay soo qabanqaabiyey qurba joog udhalatey Deegaanka kuwaasoo warsaxaafadeed ku sheegey iney diyaar u yihiin iney dhulkooda maalgashadaan isla markaana ay DDS ay kacodsadeen iney u sahlaan arimahaas. Qurba joogtan oo tiradooda la iigu sheegey 40 meeyo ayaa markii ugu horeysey kormeer ku tagay goobo kala duwan oo ka tirsan Deegaanka sida Isbitaalka magaalada Jijiga iyo goobo kale oo lagu xanaaneeyo xoolaha nool.

Qurba joogtan ayaa la iisheegey iney siyaabo kala duwan iyo danahooda gaarka ah u yimaaddeen markii hore ayna iska wada haleen caasimadda Deegaanka kadibna ay go aansadeen iney ka faaiideystaan fursadaha deegaanka yaalla.

Masuul u hadley Xafiiska ganacsiga DDS Qalbi Xuseen ayaa arintan aad usoo dhaweeyey isla markaana balanqaadey iney qurba joogta usahli doonaan sharciyada, dhulka iyo iyo waliba dhanka dhaqaalaha.

Qurba joogta deegaanka ayaa cabsi awgeed iyagu maalgashada meelo kale.

Xaajo.com
Jijiga


Print this Article     Comment(s)