| |
|
Geeri Naxdin Leh: Toogasho lagu diley labo muwaadhin laguna dhaawacey midkale oo ka dhacdey Minneapolis |
Innaa Lillaahi Wa innaa Illaahi Raajicuun: Waxaa toogasho lagu diley Minneapolis laba muwaadhin oo kasoo jeeda dhulka Soomaaligalbeed meesha lagu dhaawacey nin kale oo saddexaad. Labadan nin ee ku geeriyootey toogashadan oo ah isku qoys ayaa magacyadooda kala yihiin: Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo Cabdifataax Xuseen Xaaji Warfaa.
Toogashadan ayay Boolisku u badinayaan iney tahay mid la xidhiidhay dhac iyo boob middaasoo ka dhacdey meel suuq ah oo ay Soomaalidu ka adeegtaan inkastoo aan la ogeyn sababta dhabta ah. Warar dheeri ah oo aan ka helney saxaafadda dalka Maraykanka ayaa sheegeya in nin saddexaadna uu la dhintey labadaas nin ee aan soo sheegney mana aanan helin wali magaciisa. Guud ahaan bulshada Sooomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa aad uga argagaxsan dilka loo geystey muwaadhiniintan oo ahaa kuwa lagu yaqaaney wanaag badan bulshada dhexdeeda. Booliska gobolka ayaa teedey goobtii dilkani ka dhacay isla markaana wad baadhitaan adag oo ay ku baadi goobayaan dadkii falkan geystey.
Dhamaan hawlwadeenada Mashruuca Waxbarashada Qoraxey iyo maamulka bogga Xaajo meelkasta oo ay kala joogaanba waxey tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii iyo qaraabada ay ka baxeen labadan muwaadhin waxeyna sidoo kale eebbe naxariistiisa uga baryayaan in labadoodaba janadii geeyo.
Waxii faahfaahin ah ee kasoo baxa dilka iyo sababaha keenayna dib ayaan kasoo tabin doonaa.
Xaajo.com |
Print this Article Comment(s)
|
|
|