xaajo logo
 
Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxeysa dilkii ka dhacay Mineapolis

XOL:Wararka kasoo baxaya dilkii loo geystey muwaadhiniinta walaalaha ah ee ka dhacdey dalka Maraykanka ayaa sheegaya in dilkan ay geysteen qawleysato Soomaali ah kuwaasoo isku dayay iney dhacaan dukaan ay wiilasha dhintey lahaayeen isla markaana saldhig u ahaa xawaaladda KAAH.

Wararka aan ka heleyno goobtii falkan naxdinta lihi ka dhacay ayaa sheegaya in jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minasooto ay caawa fiidkii saacadda Waqooyiga Ameerika ay isugu imaanayaan meesha lagu magacaabo 24ka halkaasoo ay jaaliyaddu u tacsiyeyneyso ehelkii iyo qaraabadii ay wiilashani ka baxeen iyagoo dhanka kalena ka arinsan doona talaabooyinka jaaliyadda u yaalla si ay uga hortagaan dhibaatooyinkan oo kale.

Gabadh ka adeegsanaysay dukaankaas markii tuugtani soo galeen ayaa iyadu qeexdey iney nimankani Soomaali ahaayeen dilka geystey iyadoo Baadhitaankii Booliskuna ay caddeysey iney dadka falka geystey ay yihiin Soomaali. Warar dheeri ah oo kasoo baxaya Booliska magaaladaas ayaa sheegaya in labo nin ay boolisku qabteen kuwaasoo lagu tuhunsanyahay falkan.

Markale waxaan tacsi u direynaa qoyskii iyo ehelkii ay ka baxeen wiilashaas walaalaha waxaana eebbe uga baryeynaa inuu iyagana janadii geeyo.


Print this Article     Comment(s)