xaajo logo
 
Aaskii Wiilashii lagu diley Mineapolis oo dhacey iyo danbiilayaashii oo lagu raadjoogo(DAAWO VIDEO)
XOL:Dad weyne aad u fara badan oo isugu jira ehel iyo asxaab iyo walaalo Soomaaliyeed ayaa isugu yimid goobtii galabta uu aaska ka dhacayay iyadoo dhamaan dadka wajigoodu ka muuqatey murugo iyo qaadan waa, balse dhamaantood isku qanciyey Qaddarka Eebbe oo kamid ah Iimaanka Qofwalba oo Muslim ah.
HALKAN KA DAAWO AASKII WALAALAHA ILLAAHAY HA UNAXARIISTEE
Janaaisada maydka wiilasha ayaa la geeyey Masaajidka Riverwood ee ku yaalla Burnsville iyadoo kadibna lagu aasey xabaalaha lagu magacaabo Xabaalaha beertii Nabi Aadam( Garden of Eden Cemetry) oo iyaguna ku yaalla isla Bursville.

Murugada umadda isugu timid xabaalaha iyo janaasada ayaa dhamaan dadka wajigooda dabooshey iyadoo dadka intooda badan gaar ahaan intii taqaanay wiilasha ay marwaba ugu darnaayeen dadkii dareenkooda ay oohintu soo dhaafeysey.

Dilka loo geystey labada wiil oo dhacay fiidnimadii 7:45Pm ee saacadda America ayaa waxaa kale oo isna goobtii ku dhintey ninkale oo Oromo ah magaciisana lagu sheegey Anwar kaasoo ka adeeganayay dukaanka marka falkani dhacayay. Anwar waxuu isagoo shaqo ka yimid soo marey dukaanka si uu wax uga gato dabadeedna dhibaatadaas ayuu la kulmey kuna nafwaayey. Ehelkii Anwar ayaa sheegey in Anwar uu sanadkii lasoo dhaafey kasoo guursadey Ethiopia uuna sugeyay Xaaskiisu iney u timaado.

Warar hore oo kasoo baxay Booliska oo ahaa in la qabtey laba nin ayaa haddana noqotey mid aan waxba ka jirin kadib markii jaraaidka kasoo baxa Mineapolis ay qoreen in illaa iyo hadda aan cidna loo qabanin dilka wiilashaas.

Boolisku waxuu sheegey in illaa Sagaal Kameero oo meelo kala duwan ku jira ay duubeen falkan naxdinta leh taasoo Booliska shaki ka galisey markii ay daawadeen iney ujeedada dilkan uu ahaa mid dhac loola qasdey iyo in kale taasoo aan wali la caddeynin. Boolisku waxey caddeeyeen iney raadinayaan laba nin oo Soomaali ah kuwaasoo ah kuwa ka danbeeyey dilka saddexda wiil ee laba ay walaalaha yihiin.

Illaaha Raxmaanka dhamaanteen samir iyo Iimaan ha inaga siiyo iyagana janadii ha geeyo!


Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)