| |
|
Boolisku Minneapolis oo gacanta ku dhigey mid kamid ah gacan ku dhiiglayaashii dilka geystey |
XOL:Wararka naga soo gaadhaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Booliska danbiyada baadha ee Minneapolis ay gacanta ku dhigeen wiil da'diisu tahay 17 jir loona qabtey dilkii naxariisn darada ahaa ee ka dhacay magaalada Mineapolis. Wiilka da'diisa oo yar darteed ma jiraan wax faahfaahin ah oo la xidhiidha magaciisa kama soo bixin Booliska waxaana lagu hayaa xabsi iyadoo Booliska danbiyada baadha ay ku raadjoogaan danbiilayaashii kale. Maalinkii shalay ayaa lagu aasey saddexdii wiil ee laba walaalaha ahayd ee ku nafwaayey weerarkii arxandarada ahaa ee ka dhacay iyadoo illaa iyo hadda Boolisku uusan caddeynin sababka dhabta ah ee ka danbeysey weerarka lagu dilay wiilashan aan waxba galabsanin. Kaameerooyinka wax duuba oo gaadhaya 9 ayaa si wanaagsan u duubey dhamaan falkii naxdinta lahaa kaasoo ay Boolisku u adeegsanayaan iney gartaan ama soo qabtaan dadka falkan geystey laguna sheegey iney ahaayeen dad Soomaali ah.
Qabashadan wiilkan 17 ka jira waxey soo dadjin doontaa in la helo kuwii kale ee ama falka kula jiray ama la qorseheyey waxaana idamka illaahay la horkeeni doonaa sharciga.
Xaajo.com |
Print this Article Comment(s)
|
|
|