| |
|
ONLF oo dishey oo Dhanaan ku dishey Nuuriye Mahdi Khaliif laguna aasey Magaalada Dhanaan |
XOL: Inta la ogyahay sanadkan cusub waxay ONLF ku dishey aagga magaalada Dhanaan wiil geeljire ahaa oo lagu magacaabo Nuuriye Mahdi Khaliif(Tuur) kaasoo lagu aasey magaalada Dhanaan maalintii Shalay. Dilkan oo ah midkii ugu horeeyey ee ONLF ku dishey qof shacab sanadkan maanta 10ka ah ayaa waxaa aad uga naxey dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Godey.
Dad ehel ah oo aan Tel kula xidhiidhney ayaa noo sheegey in Marxuumkan ay ka qabsadeen ONLF isagoo geel la joogo muddana ay heystaan jidhdil badanna ay u geysteen kadibna ay dileen.
Waxaan wali la illoobi karin macalin quraanadii ay sanadkii hore ONLF ku dishey magaalada Haarcad iyo Shilaabo, dhacdadii Garloogube, Gudhis, Boodhcaano iyo kuwii ka dhacay gobolka Doollo. Middii lagu diley hooyada 7da caruuta ah haysata gobolka Fiiqeed iyo Nabaddoon Cabdi Sooraan ayay sidoo kale ONLF ku dishey magaalada Dhanaan waxaana ayaan daro ah in nin aan waxba galabsanin la iska dilo.
Waxaan illaahay uga baryeynaa in Marxuumka janadii geeyo ehelkiina samir iyo iimaan ka siiyo. Xaajo.com |
Print this Article Comment(s)
|
|
|