xaajo logo
 
Gacan ku dhiiglihii labaad ee kadanbeeyey dilkii Mineapolis oo gacanta lagu dhigey
XOL:Wararka naga soo gaadhaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in boolisku ay gacanta ku dhigeen ninkii labaad ee ay baadi goobka ugu jireen kaasoo ah ninkii ka qaybqaatey dilka sadexda wiil maalintii Arbacada ahayd ee 6-da bishan January ka dhacay magaalada Mineapolis. Capt. Amelia Huffman oo u hadashey Booliska ayaa sheegtey inuu boolisku gacanta kusoo dhigey qofkii labaad ee ay baadi goobka ugu jireen waxeyna ku sheegeen inuu isagu isa soo dhiibey.

Ninkan isa soo dhiibey ayaa da'adii lagu sheegey inuu yahay 17 jir ayna isku da' yihiin midkii hore ee gacanta lagu hayay. Booliska ayaan wali siidaynin faahfaahinta labadan wiil ee loo hayo dilkii ka dhacay halkaas sababtoo ah da 'dooda oo yar darteed balse Boolisku waxuu sheegey in si dhakhso ah loo xukumi doono loona macaamili doono sidii dad waaweyn.

Booliska ayaa u mahadceliyey Soomaalida ku nool magaalada MNPLS dadaalka ay ka qaateen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa labada nin ee ay qabteen Kaameeriyoon gaadhaya sagaal oo duubey dhibkii ka dhacey halkaas.Dhamaan ehelkii iyo qoysaskii ay ka baxeen saddexda wiil ayaa aad usoo dhaweeyey qabashada.


Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)