xaajo logo
 
Warbixin kasoo baxdey qoyska ree Xaaji Warfaa dilkii ka dhacay Mineapolis
Warmurtiyeed Qoys (Family Statement)

Anagoo ah qoyska Maxamad Warfaa iyo Cismaan Cilmi waxaan u mahadnaqaynaa Booliska Minneapolis, duqqa Magaalada iyo duqqa Seward neighborhood, waxaan sidoo kale u mahadnaqaynaa jaaliyadda Somaliyeed, warbaahinta iyo qof kasta oo nala wadaagay musiibada na soo gaadhay.

Qoyska waxay niyadooda ku dagtay markay maqleen in gacan-ku-dhiiglyaashii la qabtay. Waxaan aad u soo dhawaynaynaa sida dhaqsaha leh ee ciidnka booliska uu talaabada uga qaaday arintan.

Waxaan sidoo kale u mahadnaqaynaa jaaliyadda Somaliyeed iyo xaafada Seward Neighborhood sida ay isu garab-taageen oy u taageereen dadaalkii uu booliskii ugu jiray baaritaankii dambigan naxdinta leh ee axmaqnimada ah. Waxaan si naxariis leh uga codsanayaan Jaaliyadda Somaaliyeed inay sii wadaan la shaqaynta ciidanka baadhaya sharciga.

Maxamad Warfaa iyo Cismaan Cilmi waxay ahaayeen laba dhalinyara ah oo firfircoon oy ka muuqato himilada Mareykanka. Waxay u yimaadeen dalkan say nabad ugu noolaadaan oy nolol cusub u bilaaban, laakiin naftoodii waxay ku waayeen fal naxariisdara ah oo wax ujeeda caqligal ah aysan ka dambaynin.

Ereyo laguma koobi karo xanuunka, naxdinta iyo argagaxa naga soo gaadhay geerida ubadkanagii aan jeclyn. Mana harsan doono ilaa sharciga la soo hor joojiyo kuwii ka dambeeyey dilkan.

Ugu dambayntii waxaan tacsi u diraynaa qoyskii uu ka geeriyooday Anwar Maxamad. Waxaanan la wadaagaynaa murugada iyo xanuunka geerida ku timid wiilkooda.

Inaa Lilaahi Wa-Inaa Ilayhi Raajicuun
Wasalaamu Calaykum
Hamse Warfa

===============================================
The family statement written in English

January 11, 2010

Family Statement

The family of Mohamed Warfa and Osman Elmi would like to thank the Minneapolis Police, the Mayor of the city, the Seward neighborhood, the Somali community, media and everybody else who have shared with us the pain and suffering we are going through.

The family is relieved to learn the news that two suspects are in custody. We appreciate the quick reaction and speedy actions of our law enforcement.

The family would also like to express their gratitude to the Seward Neighborhood and the Somali community and the way which they have supported the police in their efforts to solve this gruesome and mindless crime. The family is kindly requesting that the Somali community continue to work with the law enforcement.

Mohamed Warfa and Osman Elmi were two young people, full of life and had so much to look for American dream. They came here to live in peace and start a new life but their lives were taken in the most senseless act of cruelty.

No words can describe the shock and the pain the family is going through at the lost of our beloved ones. We will not rest until all those responsible for their killings are brought to justice.

Finally, our condolences go to Anwar Mohamed’s family. We share their pain and suffering.

---------------------------------------------------------
Family contact: Abdi Mohamed: 206-227-6610


Print this Article     Comment(s)