| |
|
Magac usoo bixi barnaamijkan: Waa Barnaamij cusub oo aad Xaajo kala socon doontaan! |
XOL:Xaajo waxey idiin soo bandhigi doontaa sheeko xiiso leh todobaadkiiba mar waxaana ugu magacdarney Fadhi Ku Dirir!. Barnaamijkan ama sheekadani waxuu inta badan dhexmari doonaa saddex ruux; labo nin iyo Islaan. Labada nin mid magaciisa waxaa la dhagaa Qalbi, Midka kalena Qumane meesha gabadha loogu yeedhi doono Qufful. Saddexdan Jilaa midwalba waxbuu caan ku yahay. Qalbi waa nin hawo badan waxuuna marwalba keenaa talo iyo hawo aan dhamaanin, waxuu inta badan aaminsanyahay inuu ka caqli badan yahay kana garasho dheer yahay Qumane.
Ninka Qumane la yidhina marna waa labac labac aan meella haysan balse mararka qaar laga fisho waxaanan lagu xisaabtamin. Qumane waa nin tiisa mooyee aan marnaba tukale daneynin una arka waxii aan isaga ka imaanin iney tahay Hawa been ah. Balse labadan nin ma kala dhamaadaan wayna isku qasban yihiin.
Quful islaanta la yidhina mar waa gabadh geenyo ah oo Kun lagala bax ah, marna waa habar gablantey, marba si bey ku jishaa sheekada waxeyna marwalba ukala dacwa qaaddaa labadan nin oo aan kala dhamaanin. Saddexdan waa saddex haatuf oo maalinba meel ayay joogaan, Kol waa Nairobi iyo Eastleigh Marna waa Washington ama Sandiego iyo guud ahaan Waqooyiga America. Marbey Yurub Mushaaxaan ka gees ka gees, markalena waxey ka sheekeeyaan magaalada Jijiga ama Diridawa iyo muqaaxiyaha. Maalmaha Qaar waxay kasoo jeedsadaan magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliyeed waxaana xiiso badan mar ay dib ubooqdeen xeryihii qaxootiga ee dagaalkii 1977 ay ku qaxeen bulshada Soomaali galbeed.
Saddexda ruux marwalba sheekooyinkoodu waxey kusaabsanaan doonaan kolba xaaladda waddanku marayo iyo kolba meesha ay dabayshu ujeeddo, mararka qaarna saddexdooda ayaaba dawlad noqdo oo ninba shan wasiir labistaa. Haddaba waxaan maanta idiinka bilaabaynaa isbarashadooda saddexda ruux oo aan awal is aqoon iyo heshiiska ay galayaan dhexdooda.
Waa subax hore oo magaalada Jijiga dabayl qaboow oo boodh yar wadata ay dhexmareyso, baco madmadoow oo kuwii Jaadka illaa iyo shalay lagu guranayay ayaa jidka hareerihiisa darbiga wada haysta. Wuu turunturoodey Qalbi markaasuu illeen waa nin aad u daallan oo xalay oo dhan qayilaye is qabanwaayey oo dhulka beerka saarey isagoon jug badan gaadhin. Intuusan hinqan wahsina ku jiro ayuu maqley hadal dheer oo canaan u muuqdey " Intey Khamri Cabaan maxey dariiqa dadka uga xidhaan" ayaa dhagta ooga dhacdey markaasuu is yidhi haddaad sii jiifto tanaaba kugu rumoobi.
Waxuu qalbi xasuustey qiso hore oo Jijiga ka dhacdey oo nin isagoo habeen soo qayiley xilli danbe oo guura ahna socda ku dhacay bohol laamiga agtiisa ah oo dheer dabadeedna qaylyey oo Afxabashi iyo Soomaali isku daray oo yidhi waryaa iga saaara meesha. Dabadeedna ninkii soo maraba waxuu dhahaa Nin Khamri ka dhargey miyaa loo jixinjixaaba. Sakaaraa!
Markuu boodey Qalbi ayaa isagoo muujinaya inuusan cabsaneyn si iska raadis ah daganaan iyo odaynimo isaga baadhay oo yidhi " Acuudu Billaahi, waryaa sadaqa ayaa igu baxdey" iyo waxuu daba dhigey war ninkii qaylyay maxuu ahaa!. Marka uu saas leeyahay waxaaba kor taagan ninkii Qumane oo ninkan la yaaban kolla wadaadka iska dhigaya kolla dhulka isku tuuraya. Markaasuu yidhi war aniguu ahaayee sidee wax kuu gaadheen, Axmaar ayaanba ku moodayaye nin quman ayaabad u egtahaye!
Warninyahoow faduul badanidaa imisa erey oo aan habooneyn ayaad is daba dhigtey. Midda kale qofkii Islaam ah ee dhibaato gaadho saw kii la caawin jirey waa maxey digashadu saw adigan ninka weyn ah. "Adduunkii saw kan roganba!". Qumane ayaa boobey iyagoo isa si garab socda war inaad Muslim tahay ma dhabarkey kaaga qoran tahay nin weyn oo maalin cad beerka dhulka saarey meel dariiq oo aan mantageynin maxaad ku sheegi lahayd. Iska daa markii horee eeggadana ayaanan ogeyn inaad Muslim tahaye.
Laa Illaaha Illalaahu war raggu miyey waasheen ayay maqleen oo cod dumar ah. Markaasey labadoodiiba milicsadeen waxey arkaan gabadh aan ka fogeyn oo jidka dhankeeda ka mushaaxeysa danbiilna xagasha ku wadata oo aan bilic ahaan liidan, qurux baxsanna aan lahayn balse jiniyad iyo soo jiidasho leh. Raggii is hayay waxaad moodday ineyba heshiis ku ahaayeen iney gabadhan si wanaagsan ula dhigaan iska dhigaan rag kaftamayay oo saaxiibo ahaa. " Walaale maxaa kaa ashahaadiyey oo aad aragtey" ayuu Qumane ku boobey inta Qalbi isagu soo fikirayey markaasuu ka daba geeyey isagoo ka xun hadalka lagala hormarey, iney Muslim tahay ayay kuu sheegeysey illeen maanta oo dhan ayaad igu xiijisey Muslim ma tihid waligeed nin adigoo kale ah maan arag saa dadkaabad diintooda ku qabsataa.
Hadallo talantaalli oo iga qabo ah midkoodba mar ah ayaa la isdhaafsadey saddexdoodii waxaanse soo dhawaadey kolkii ay kala baydhi lahaayeen oo ninwalba jidkiisa afka saari lahaa. Qalbi ayaa ninkii kale waydiiyey warninyahoow imtixaanbaad tahaye magacaa aan iska kaa illaaliyee, Suuye ninyahoow magaceygu Waa Qumane ee adigaagan isgaran lahaa gaal iyo Muslim waxaa tahay bal magacaaga iisheeg. Anigana magaceygu waa Qalbi, gabadhii ayay milicsadeen markaasey si dagdag ah u tidhi waryaada heen anigaad riwaayad ii dhigeysaane ma magaceygaa la idiin soo sheegey oo yool baadh baad aheydeen. Wallee Kililkan waxba kuma kala qarsoomaan oo maanta oo dhan maxaad iga daalineysaan hadaad i garaneysaan.
Raggii ayaa is eegey oo ninba ninka kale ka shakiyey oo yidhi bal magacaaga noo sheeg walaal eegga kala leexanaye aynu is baranee. Aad ku dhimataane magaceygu waa Qufful! Qosol yaryar oo aan laabta hoose jirin ayay bishimaha iyo ilkaha ka qoslee, Jiqjiqjiq!. Waryaa ma isku meel ayaa dhoobadeena laga qaadey. Wallee sheeko inoo dhiman haddaba iyo nabadey ayaa maalinkaas cadceeddii Jijiga ay kula hoydeen iskuna barteen saddexdan shakhsi.
Haddaba adigoo sheekadan dhuuxay waxaan akhristayaasheena ka codsaneynaa iney Barnaamijkan usoo magac bixiyaan. Magacu waa inuusan dheeraanin micno weyna xanbaarsanyahay oo sheekadan ku haboon.
Isbarasho kadib xaggey ku kulmi doonaan marka xigta xaggeyse sheekada ka bilaabi doonaan. Bal aan sugno meesha ay marlabaad isku arki doonaan saddexdan ruux.
Haddii aad damacdo inaad u magacbixiso sheekadan waxaad magaca kusoo dirtaa emailka:maamulka@xaajo.com waxaana isku dayeynaa inaan qaadano midka ugu haboon anago shaacin doona qofka ku guuleysta!
Xaajo.com |
Print this Article Comment(s)
|
|
|