xaajo logo
 
Golaha Sare ee JWXO oo kuhawlan maamul sameyn iyo qabashada Xuskii Dr Doolaal
XOL:Wararka naga soo gaadhaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in golaha sare ee ONLF qaybtiisa waddanka Kenya ayaa ku hawlan qabashada sanadguuradii 1aad ee kasoo wareegtey dilkii Dr Maxamed Siraad Doolaal oo 17 kii Bishan January lagu diley gudaha dhulka Soomaaligalbeed. Hoggaanka Warfaafinta Golaha ee ONLF Cabdullahi Ibrahim Bihi ayaa ku amaaney dhankiisa ku amaaney hawsha iyo shirarka ka dhacay Nairobi laguna sameeyey maamulka Golaha sare ee wadi doona shaqada golaha sare ee ONLF

Shirar badan oo ay jaaliyadda JABSO ee Golaha sare ee ay ku qabteen magaalada Nairobi ayaa lagu doorey hogaanka jaaliyadda JWXO ee geeska Afrika u qaabilsan magaalada Nairobi waxaana lamagacaabey xilalkan:

Guddoomiye
Hogaanka Arimaha Bulshada
Hogaanka dacwada iyo diinta
Hoggaanka Dhaqaalaha
Hoggaanka Wardoonka iyo siyaasadda.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Nairobi 2 dii bishan January waxaa daadihinayay guddoomiyaha jaaliyadda Afrikada bari ee JABSO iyo xubno kale oo ka tirsan saraakiisha Golaha sare oo iyaguna warbixin dheer kajeediyey goobtaas iyadoo halkaas lagaga doodey arimaha u yaalla Golaha sare sida sameynta maamulada golaha sare ee gayiga ka aloosan.

Maamulkan cusub ee Golaha sare kasameeyey magaalada Nairobi ayaa loo xilsaarey iney soo qabtaan shirweyne sanadguuradii 1aad ee kasoo wareegtey dilkii Dr Doolaal. Waa markii ugu horeeysey ee Golaha Sare ee ONLF ay maamul matala usameeyaan magaalada Nairobi tan iyo intii Khilaafku hadheeyey ururka ONLF ayna noqdeen laba garab; Garabka Maxamed Cumar iyo Garabka Dr Maxamed Siraad Doolaal kadib dhimashadiisiina lagu baddalay Eng Salaaxuddiin Macoow.

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)