xaajo logo
 
Ogeysiis:Bogga Xaajo iyo Sanadguuradii 1aad ee kasoo wareegtey Dilkii Dr Doolaal
Illaa iyo hadda dawladda Ethiopia iyo dawladda Ingiriisku waxey isla xaqiijin la yihiin dilkii Dr Doolaal iyadoo guud ahaan bulshada Ogaadeenya ay ogtahay in Dr Doolaal dhintey laguna diley aagga Gobolka Godey. Haddaba boggan Xaajo ayaa isku soo dubariday warbixin dhinacyo badan taaban doonta. ONLF maxay ka tidhi kahore iyo kadib geeridii Dr Doolaal. Waxaan soo bandhigi doonaa qoraallo xasaasi ah oo ay qoreen madaxda ugu sareysa ONLF sida Adm Maxamed Cumar iyo Maxamed Ismaaciil. Sidee ONLF ku ogaatey dilkii Dr Doolaal iyo waliba qaabkii loo diley, iyo meesha xabadda lagaga dhuftey.

Waxaa kale oo qoraalkan lasocon doona wareysigii ugu danbeeyey oo bogga Xaajo ka qaadey Dr Doolaal oo uu kusheegey mawqifkiisii ugu danbeeyey iyo waxa uu maaganaa. Waxaa iyana aan soo bandhigi doonaa hadalkii ugu danbeeyey ee laga qabtey Dr Doolaal isagoo gudaha jooga iyo qpraalkii uu Nov kala badhkeedii udirey Madaxweynaha dalka Maraykanka oo markaas loo doortey. Sidoo kale waxaa buugyarahan ku lifaaqnaan doona saddex warqadood oo Af Ingiriis ku qoran oo ay Sagal Doolaal saxaafadda u qortey. Midkii ugu horeeyey oo ay kaga hadashey dareenkeeda ku aaddana hadallo ay saxaafaddu qortey.

Qoraalada iyo xogta aan soo bandhigi doono waxaan aruuriney sanadkii lasoo dhaafey waxaana ka helney ilo badan oo kala duwan waxeyna nagu qaadatey waqti dheer waxaanse ugu danbeyn ku faraxsannahay inaan helney macluumaad badan oo xasaasi ah kaasoo hadheeyey geeridii Dr Doolaal.

Haddaba waxaad sugtaan waa Warbixintii ugu horeysey uguna dheereyd ee aan ka aruuriney dilkii Dr Doolaal iyadoo maalinka Barito ah ay buuxsameyso sanadguuradii kasoo wareegtey geeridii Dr Doolaal.

Waxaan ugu danbeyn u mahadcelineynaa dhamaan dadkii noo suuro galiyey aruurinta xogta aan kusoo koobeyno buug yarahan Xaajo oo noqon doona mid taariikhi ah soona taabta meelo aan wali la gaadhin gaar aahan wariyayaasha Xaajo ee aan daalin meelkasta oo ay joogaanba.

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)