xaajo logo
 
Magacbixintii Barnaamijka Cusub ee Xaajo: Midkeen qaadanaa?
Qalbi, Qumane iyo Qufful waxey matalayaan sheeko dheer oo socondoonta waxeyna marba mudh kasoo dhihii doonaan meel aan laga fileynin. Waxayna inta badan kadoodi doonaan arimaha dhulka iyo Shacabka Soomaaligalbeed. Waxaan akhristayaasheena weydiiney iney usoo magacbixiyaan sheekadan waxaana helney magacyo badan oo xiiso leh oo ay akhristayaashu noosoo direen. Haddaba midkee ugu haboon magacyadan nasoo gaadhey marka aad dhuuxdo sheekadan.

Illaa iyo hadda waxaan helney magacyo badan qaarkoodna isku dhawyihiin intooda badanna ay hal micno wada xanbaarsan yihiin. Magacyada aan helney illaa iyo hadda waxey kala yihiin:


1-Qabqab Dhaafey iyo Quful Xidhan
2-Isku Maqan
3-Ijiid aan ku jiidee
4-Isfahamwaa
5-Canaad Nuur ama Kala Maan
6-Shaamareer
7-Hami iyo Hadaf.


Akhristayaasha nasoo gaadhsiiyey taladooda oo aad ugu mahadsan waxay ku kala baahsan yihiin daafaha dunida. Waxaan haddaba ugu danbeyn laga codsanayaa iney u codeeyaan magacyadan 7-da ah ayna doorteen midda ugu haboon sheekadan taxanaha noqon doonta.

Waxaan sugnaaba waa qaybihii ugu horeeyey ee Barnaamijkan xiisaha leh iyo magaca aad udoorataan anigoo markaas iclaamin doona cidda magaceeda loo xusho Barnaamijka iyo meesha uu joogaba.


Print this Article     Comment(s)