| |
|
Dhismaha Jidka laamiga ah oo si xawli ah uga socda Deegaanka Soomaalida |
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka Dhagaxbuur iyo Qoraxey ayaa sheegaya in jidka dheer ee isku xidha inta badan gobolka Ogaadeen ay kasocdaan dhisme jid laami ah oo waliba si xawli ah kusocda. Wararka aan ka heleyno magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in jidka laamiga ah ee laga bilaabay Dhagaxbuur oo hadda marayo magaalada Birqod kaasoo ku wajahan magaalada Qabridahare ee caasimadda gobolka Qoraxey.
Dhanka kale jid sidan oo kale ah oo laami ah ayaa iyana kasocda jidka isku xidha caasimadda Godey iyo magaalada Qabridahare. Wararka aan ka heleyno Qabridahare ayaa noo xaqiijiyey in jidkii laga bilaabey magaalada Qabridahare uu gaadhey tuulada Dalaad uuna kusii jeedo magaalada Dhanaan iyo Godey.
Dawladda Ethiopia ayaa wadda qorshe balaadhan oo dalka Ethiopia loogu sameynayo jidad waaweyn oo laami ah taasoo ay lacagteeda bixiyeen Midawga Yurub. Jidadka laga dhisayo Dhulka Soomaalida oo ah mid aad loogu baahan yahay ayaa haddii dhameystirmaan sahli kara isku socodka gaadiidka ee gobolka taasoo hadda dhibaato badani ka jirto. |
Print this Article Comment(s)
|
|
|