| |
|
Shir lagu Qabtey South Afrika, iyo Amakaag ka dhashey Daahfurkii Xaajo |
XOL:Shirweyne lagu xusayay sanad guuradii 1aad ee kasoo wareegtey geeridii Dr Maxamed Siraad Doolaal ayaa maanta lagu qabtey dalka South Afrika gaar ahaan gobolka Eastern Cape halkaasoo ay isugu yimaaddeen dad badan oo ka tirsan jaaliyadda ku dhaqan dalkaas iyadoo shirkaas ay soo qabanqaabiyeen garabka Golaha Sare ee JWXO. Shirkan oo ay dad badani ka hadleen ayaa waxaa hadalladii ugu badnaa lagu falanqeeyey taariikhdii Dr Doolaal uu ku lahaa qaddiyada iyo doorkii uu buuxin jirey ka hor intuusan khilaafku hadheynin ururka ONLF oo kadibna u kala jabay labada garab.
Sidoo kale waxaa shirkaas lagu soo qaadey laguna xusey Geeridii Jamaal Maxamed Odawaa oo ahaa isna shakhsi caan ka ahaa ONLF gaar ahaan ciidamada gudaha ka dagaalama oo dabayaaqadii sanadkii 2008 ay ONLF ku dishey gudaha iyadoo sababta lagu dileyna ay ahayd inuu taageeray Dr Maxamed Siraad Doolaal.
Waxaa kulankaas hadal dheer ka jeediyey Maxamed Muxumed Aadan oo loo yaqaano Gurey Afdhuub oo ka hadley xaaladda maanta iyo waxa loo baahan yahay in la qabto isagoo kula dardaarmey ineysan marnaba illoobin Dilkii Jamaal iyo Dr Doolaal iyagoo ku eedeeyey in dilkaas ay geysteen ururka ONLF.
Dhanka kale wararka naga soo gaadhaya isla South Afrika ayaa sheegaya in dhinaca kale ONLF garabka Maxamed Cumar ay maanta shirar ku lahaayeen halkaas ay kawada hadlayeen waxii laga yeeli lahaa Emailo Sir ahaa oo Bogga Xaajo lagu daabacey taasoo jahawareer ku noqotey illaa iyo haddana la bixin la yahay sida Xaajo ku heshey iyadoo baadhitaan loogu jiro ciddii u gudbisey.
Xaajo.com |
Print this Article Comment(s)
|
|
|