xaajo logo
 
Shirweynihii Beesha Jidwaaq Absame oo ka dhacay Port Elizabeth(DAAWO SAWIRADA)

Port Elizabeth : Shir balaaran oo maanta oo ah 20/01/2010, ka dhacay magaaladda Port Elizabeth ayaa waxaa iskugu yimid beelweynta Jidwaaq Absme , shirkan ayaa ahaa kii oogu weynaa ee noociisa oo kale ahaa mudooyinkii oogu danbeeyay,kulankan ooy ka soo qeyb galeen dadweyne badan oo ka kala yimid goboladda dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka soo baxay qodobo muhiim ah iyo maamul cusub oo beelweyntaas yeelato,
qodobadda shirka iyo maamulka cusub waxaa saxaafadda u akhriyay mudane: Bishaar Maxamed oo ka mida ah odayaasha beesha ee ka timid gobolka Western Cape gaar ahaan magaaladda cape town..

1- Sh. C/laahi Kaad Sh. Faarax gudoomiyaha beesha
2- C/risaaq adan dhuubow (kuulow)gudoomiye kuxigeenka
3- Wacdi cismaan faarax
4- Jamaal c/laahi cismaan
5- Maxamed yuusuf (Geele)

Waxaa kale oo maamul loo sameeyay sadexda gobol ee Soomaalidu u badantahay ee kala ah Eastern Cape , Gauteng, Western Cape, oo loo sameeyay madax ka howl gasha, waxaa kale oo shirka ka soo baxay qodobo dhawr ah:
1- Ku dhaqanka shareecadda islaamka
2- Ilaalinta midnimadda beesha Absame
3- In la saxo waxii khalad ah oo jira beesha Absame dhaxedeeda
4-Waxii hada ka danbeeya beesha jidwaaq waxaa lagala xidhiidhi maamulkan cusub ee kor ku xusan

5- beesha jidwaaq waxeey baaq nabadeed u direysaa dhamaan umadda soomaaliyeed iney ilaaliyaan nabada iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed xoojiyaana wada noolanshaha qabaa,iisha soomaaliyeed. Gabagabadii shirka waxaa loo dardaarmay dadweynihii ka soo qeyb galay shirka cabsida rabi iyo ku dhaqanka shareecada islaamka iyo ismaqal.






Abu Sumaya
south Africa

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)