xaajo logo
 
Magacii loo xuley barnaamijkii Cusbaa iyo Ciddii ku guuleysatay!
XOL:Waxaan u mahadcelinaynaa dhamaan akhristayaashii nala soo xidhiidhey ee magacyada soo jeediyey iyo kuwii nala xuley magacyadii lasoo gudbiyeyba kuwaasoo kala jooga daafaha dunida. Waxaan ku faraxsanahay inaan shaacino qofkii ku guuleystey in magacii uu soo gudbiyey lasoo xulo kaasoo heley codadkii ugu badnaa todobaadii magac ee aan soo xulney oo ahaa.

1-Qabqab Dhaafey iyo Quful Xidhan
2-Isku Maqan
3-Ijiid aan ku jiidee
4-Isfahamwaa
5-Canaad Nuur ama Kala Maan
6-Shaamareer
7-Hami iyo Hadaf.


Waxaa dadkii ugu badnaa ee usoo codeeyeen Magaca " Shaamareer" in loogu magacdaro sheekada taxanaha noqon doonta ee Xaajo idiin soo diyaarin doonto taasoo ka turjumi doonta xaaladda waddanku marayo iyadoo dadka inoo matalaya sheekadaasna ay kolba meel dunida ka joogi doonaan.

Haddaba waxaa magacan soo xuley nin magaciisa ku sheegey Cabdullaahi Maxamed Budul(Qarbooshe) oo Jooga dalka South Afrika waxaana leenahay Waxaad ku guuleysatey in magacaagii uu noqdey midkii ugu codka badnaa ee akhristayaasheenu soo xusheen. Emailkii uu Cabdullaahi noogu soo direy taladiisa iyo magaca Shaamareer waxuu u qornaa sidan:

"A.s.c. salaan kabib anigoo kamid ah akhristayaasha xaajo.com kolay sheekadan waxaan kafahmay in lagumatalayo umad wareer san hadaana khadlanen waa sida ilatahay fikirkayga marka waxaan ubixan lahaa ama oogu magacdari lahaa shaama reer kii dhoodan marka shekadu waa shaamareer from abdulahi maxad qarboshe sout africa"


Waxaan isku dayney inaan baadhno magaca Shaamareer. Magaca Shaamareer waxay kasoo muuqatay suugaaanta Soomaaliyeed markii ugu horeysey 1977 kadib markii Macallin Dhoodaan uu gabay dheer ka tirayey magaalada Dhagaxbuur gabaygaas oo loogu magacdarey Shaamareer.. Qisadii Shaamareer iyo gabaygeediiba HALKAN KA AKHRISO .

Sheekada ama Barnaamijka Shaamareer waxaad si joogta ah uga heli doontaan bogga Xaajo waxeyna noqondoonaa mid gayiga Soomaaligalbeed macruuf ka noqondoonta Insha Allaah..

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)