xaajo logo
 
Illaalada guddoomiyaha Degmada Dhanaan oo wiil ku dishey Godey.
XOL: Illaalada guddoomiyaha magaalada DHanaan Xalane Macalin Siraad ayaa rasaas ku diley nin dhalinyaro ah oo shaqaale ka ahaa xafiiska waxbarashada ee degmada Dhanaan kadib markii sida lagu soo waramay khilaaf iyo muran uu dhexmaray. Wiilkan dhintey ayaa lasheegayaa in isla shalayba la aasey iyadoo maamulkii dagmada Dhanaan iyo illaalidiisii xabsiga loo taxaabey. Marxuumkan dhintey ayaan magaciisa ku helney Saruur.

Dhibaatadan ka dhacdey Magaalada Godey ayaa shalay iyo maanta buuq ka kicisey magaalada iyadoo maamulkii dagmada Dhanaan ay ku xidhan yihiin xerada Birgaydhka.

Inkastoo arintan ay gacanta ku hayaan ciidamada Tigreega oo aan lagu aaminin midd Booliska Deegaanka ayaaa haddana waxaa magaalada Godey ka jira guux badan waxaana sida caadiga ah lagu wadaa in odayo dhaqameedyadu xaliyaan dhibaatadan dhacdey.

Isla todabaadkan dhexdiisa ayaa shaqaaqadan mid lamid ah oo wiilna ku dhintey midna ku dhaawacmey ay ka dhacdey gobolka Qoraxey.

Waxaan eebbe uga baryeynaa in wiilkaas naxariistii jano siiyo ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo iimaan kasiiyo.

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)