xaajo logo
 
Dhacdo La yaab Lehoo ka dhacdey Yeman: Wiil ardey jaamicadeed ahaa oo Xabsiga Yemen loo taxaabey kadib markii!
Wararka naga soo gaadhaya dalka Yaman ee la xidhiidha jaaliyadda Soomaaligalbeed ayaa waxey sheegayaan qiso la yaab ku noqotey qofwalba oo maqlay ama looga sheekeeyey. Qisadani waxey kusaabsantahay wiil u dhashey gobolka ahaana ardey jaamicadeed oo wax ka baranayay dalka Yaman. Wiilkan oo magaciisa lagu sheegey Cabdinuur Xasan Rashiid ayaa waxay dhawaan ciidamada amniga ee dalka Yaman dhigeen Xabsiga iyadoo aan la ogeyn sababta loo xidhey.

Cabdinuur ayaa laga qabtey isagoo fadhiya fasalkii jaamicadda dhexdiisa isagoo aan ogeyn waxa lagu xidhey iyo cidda soo dacweyseyba. Cabdinuur oo xabsiga la dhigey 30.12.09 waxaana Cabdinuur lasoo daayey 25 cisho kadib waxaana loo sheegey ineysan jirin wax caddeyn ah oo la xidhiidha danbigii lagu soo dacweeyey taasoo ka yaabisey dhamaan ehelkii,ardeydii iyo asxaabtii isaga taqaaney.

Markii ciidamadii amniga dib loo xogsdey ayay caddeeyeen in wiilkan ay soo dacweeyeen wiilal kale oo ka tirsan ururka ONLF garabka Maxamed Cumar. Waxay ciidamada Amnigu sheegeen in Cabdinuur lagu soo dacweeyey inuu dalka Yaman soo galiyey Alshabaab taasoo keentey in xabsiga loo taxaabo.

Hadda ka hor ayaa koox dhalinyaro ah oo gaadheysay 7 ay isugu tageen Cabdinuur iyo wiilkale oo saaxiibkiis ah iyagoo kasoo baxey meel ay ku shirayeen taasoo keentey dhibaato dhexmartey jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya eek u dhaqan dalka Yemen.

Khilaafkan u dhaxeeya dhalinyarada kusugan dalka Yemen ayaa salka ku haya khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya ururka ONLF oo hada noqdey laba garab iyo midka u dhaxeeya ONLF garabka MAxamed Cumar Cismaan iyo Ururka Midawga Jabhadda Xoreynta Soomaaligalbeed(MJSXG) kaasoo muddooyinkan danbe aad u liitey.

Waxaan helney magacyada wiilasha lagu eedeeyey iney ka danbeeyeen dacwada lagu xidhey Cabdinuur balse intaanaan soo daabicin waxaan isku dayi doonaan inaan wareysi ka qaadno Cabdinuur si aan u ogaano siday wax u dhaceen kadibna ayaana soo gudbin doonaa.

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)