SIR CULUS: Qaybtii 2aad: Qoraal Xasaasi ah oo Maxamed Cumar Cismaan u direy guddida Fulinta ONLF iyo Codkii Dr Doolaal
XOL: Bisha November markey ahayd 7 sanadkii 2008 ayuu Maxamed Cumar Cismaan udirey email dheer guddida fulinta ONLF isagoo usheegaya iney ciidamada gudaha jooga ee ONLF ay diyaar u yihiin iney talaaba ka qaadaan kuwa ay u arkaan iney halganka kusoo duuleen, isla markaana waxuu ka codsadey madaxda ONLF iney jaaliyadaha dibadda wacyi galiyaan. Qoraalkan oo daba socda kuwa badan oo nasoo gaadhaya, ayuu Maxamed Cumar Cismaan kusheegey in Dr Doolaal, Eng Salaaxuddiin iyo madaxda Soomaaligalbeed ay la kulmeen ciidamada Wayaanaha ayna kula heshiiyeen iney ONLF la dagaalamaan waxaa kale oo aan soo gudbineynaa Wareysigii Marxuum Dr Doolaal illaahay naxariistii ha siiyo!
Qaybta 1aad waa warqaddii uu qorey Maxamed Cumar taasoo ka hadleysa in ciidamada JWXO loo diyaarinayo iney waajibkooda gutaan marka kuwa wayaanaha ay soo direen ay gudaha yimaaddaan sida uu hadalka u dhigey waxuuna dhanka kale ka digayaa in jaaliyaduhu ku kala qaybsamaan jawaabta ciidamada ONLF waxuuna yidhi:
OG/Fulinta G/dhexe. 7/11/08 Uj: ka hortagga qorshayaasha gumaysiga. Halgamayaal, gumaysigu ilaa bilowgii halganka hubaysan ee jwxo hogaaminayso, wuxuu marar kala duwan isku dayayay, siduu midnimada iyo wada jirka JWXO u kala dhantaali lahaa. Hab-kasta oo suurto-gal ah, gumaysigu wuu adeegsaday, ilaa hadana qorshayaashiisii kuma guulaysan.
Hadda wuxuu bilaabay hab cusub ood moodid in uu kuwii hore ka khatarsan-yahay, kaas oo ah: In uu midaynayo kuwii jwxo horay looga eryay ama ka goostay oo Doolaal & Salaxdiin hogaaminayaan iyo ururkii Somali Galbeed ee wadaadada isku sheegi jiray ooy cadaatay inay weligood xidhiidh la lahaayeen Gumeysiga markii aan eegno falalkooda ka soo horjeeda xoreynta dalka Ogaadenya. Labadaas kooxood ayaa hadda u heshiiyay in ay halganka curyaamiyaan, jwxo/na ka leexiyaan yoolka ay higsanayso. Labadaax kooxood, waxaa isu tagooda ka shaqeeyay wardoonka wayaanaha, oy labaduba marar kala duwan kulamo la yeesheen, ugu dambayntiina lagu wada heshiiyay in jwxo lala wada dagaalo.
Waxaa kooxahaas iyo wayaanaha u qorshaysan in Ogadenia la galiyo xubno hadda kohor cwxo laga ruqseeyay ama ka baxsaday iyo xubno kooxdii Somali Galbeed ka mid ah oo banaanadaas jooga, labadaas kooxood oo Doolaal hogaaminayo in gudaha Ogaadenia la galiyo, iyagoo ku biiri doona koox yar-yar ee Somali Galbeed ah oo gudaha Ogadenia ku sii jiray, halkaasna gudaha Ogadenia laga bilaabo dhibaato qabiil iyo mid ciidan labadaba, si loo dhaawaco midnimada halganka ujeedadiisiina looga leexiyo. Waxay arrintani daba socotaa dacaayadii Masuulka Somali Galbeed fidinayey ee ahayd JWXO na laynaysa, si uu dagaalka uu qaadi doono ugu masabito JWXO inay bilowday. Waa talaabo lagaga hortegayo guulaha dhinac kasta ah ee halganka JWXO hogaaminayso gaadhay.
Si hadaba arintan oo aad khatar u ah looga hor-tago, ciidamada iyo bulsha-weynta gudaha Ogadenia arinta iyo ujeedada ka dambeysa waa lala socdsiin, si buuxdana kooxdaas qas-wadayaasha ah way uga hor-tagi doonaa, waajibad-koodana sida ugu haboon ayay u fulin doonaan. Bulshada reer Ogadenia ee jaaliyaduhu hogaamiyaan waa in khatarta ay arintani leedahay la wada gartaa, sida ugu haboona ee ugu dhakhsaha badanna looga hor-tagaa, iyadoo la qaadi doono talaabooyin wacyi-galin iyo baaraarujin isugu jira.
Arintan & khatarta ka iman karta, si buuxda ha loo dareensiiyo, taageerayaasha iyo xubnaha jwxo ee dibadaha ku nool. Cadow midab, diin & dhalasho gaar ah midna ma laha, Sidaas daraadeed, halganka waan in aan ka difaacnaa cadow kasta oo ku soo duula. Hawshu waa isu dheeli tiran-tahay, dhanka jaaliyadaha waa in aan laga soo dhicin.
Halkana waxaan idiinku soo gudbineynaa Wareysi kamid ahaa kuwii ugu danbeeyey ee Dr Maxamed Siraad Doolaal. " Anigoo Damiirkeyga Heshiis la ah waxaan ku qanacsanahay Gobonimo, Madaxnimana ma doonayo".
Qoraalo badan ayaan soo wadnaa oo xasaasi ah ayaan soo wadnaa ee ha ka fogaanin Xaajo.com.