| |
|
Faahfaahin dheeri oo kusaabsan Xadhigii loo geystey Cabdinyuur oo lagu xidhey Yemen |
Dalka yamen Xabsi ku yaala waxaa Dhawaan laga soo daayay Cabdi Nuur Xasan Rashiid oo ah Arday udhashay Dhulka S/galbeed, ee lagumaysto Wuxuuna ku xidhnaa Xabsi ku yaala Magaaladda Caasimadda u ah Yamen ee Sanca , Cabdi Nuur Waa Arday wax ka barta Dalka Yamen marka la qabanayayna Wuxuu Sii galayay Jaamacatu Sanca oo ah Jamaacadda ugu Weyn Yamn rabayn in uu ka bilaabo Waxbarashada Sare oo Master ah .
Cabdi Nuur waxaa Qabtay Ciidanka Amniga Dalka Yamen gaar ahaan Ciidanka loo yaqaano Amni Siyaasiga Waxayna Hayeen Mudo 25 Maalmood ah Cabdi Nuur Warkiisa waa la waayay markii laqabanayayna wuxuu ahaa kaligii, Waxayna Saaxiibadii Ka raadiyeen meelo badan Sida Isbtitaaladda Magaaladda Sanca oo la dhigo Maydadka la garan waayo, balse mudo kadib way dareemeen in Cabdi Nuur ama uu dhintay Ama Xabsi ku jiro.
Waxayse Arintu Cadaatay Maalin iyo Habeen kadib Markii gurigiisa la keenay isagoo Katiinadaysan halkaas oo ay Ciidamadda Amni Siyaasigu ka qaateen Wixii Documents ahaa ee guriga uyaalay Saaxiibadii waxay bilaabeen kadib inay arinta Cabdi nuur u sheegaan Cid kasta oo ay islahaayeen waxbay ka qaban kartaa gaar ahaan Safiirka Soomaliya ujooga Dalka Yaman Ambaasatoor Cabdi Raxmaan Maxamed Dawaare iyo Madax kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya Sida Ugaas Axmed Bile oo ka tirsan Barlamaanta Dowladda, iyo Wasiirka War faafinta Daahir Maxamuud Geele iyo Madax kale intaba.
Madaxdaas oo dhamaantood bixiyay Dadaal xoogle Alle Fadligii kuna guulaystay in Cabdi Nuur Xoriyadiisii Dib uhelo Cabdi Nur Wuxuu sheegay Aaadna uga mahad sheegtay Ciidanka Amnigu intii Ay Gacanta ku hayeen inay ula dhaqmeen Si wanaagsan Haba yaraatee Wax jidh dilana aan loo gaysan, Waxaa kaluu sheegay inay siinayeen Cuno Aaad uheersaraysa oo looga soo qaadayay Hoteeladda Cunadda Fiican ee Qaaliga ah lagu sameeyo.
Cabdi Nuur Wuxuu sheegay in laba arimoodba lagu Dacweeyay Ururka Soomaali galbeed iyo Xarakadda Shababul Mujaahidiin ee ka jirta Dalka soomaaliya , Su,aalana laga waydiiday Madax ka tirsan Ururka Soomaali galbeed, oo Socdaalo ku maray Dalka Yamen iyo Waxyaabihii ay Dadka kalla hadleen iyo Cidii ay lakulmeen intaba, Waxanya usheegeen Ciidanka Amnigu kuwii isaga soo dacweeyay inay usheegeen Madax ka tirsan Ururka Soomaaligalbeed inay Safaro ku yimaadeen Dalka Yamen Shirarna ku qabteen
Baadhitaan kadib waxay ogaadeen in uuna arintan lagu Dacweeyay oo ahayd inuu ka tirsanyahay Al-Shabaab ayna waxba ka jirn isna yahay Arday wax ka barta Dalka Sidaasna ugu Dambayn lagu soo daayay Alaabtiisiina dhamaan loo soo celiyay iyadoon waxba ka maqnayn, Wuxuuna hadda Dib ubilaabay waxbarashadiisii.
Wuxuuna sheegay Cabdi Nuur kuwa ka Dambeeyay ee soo Dacweeyay inay ka tirsanayeen Ururka ONLF Garabka Maxamed Cumar Cismaan isaguna ogyahay iyana is ogyihiin Dadka Soomaaliyeed ee Sanca ku noolna Ogaadeen haddana uuna rabin in uu macagyadooda sheegsheego, Alle ayaa iga badbaadiyay balse iyagu waxay rabeen inay igu masabidaan Arin aana shaqo kulahayn oo aana qabin iyagoo islahaa ugu yaraan wuxuu ku mudan doonaa Xabsi dheer Ami Dil, ayuu Cabdi Nuur Yidhi.
Ugu Damabyn Wuxuu Cabdi Nuur aad ugu Mahad Celiyay Cid kasta oo Soo Dayntiisa Gacan Ka gaysatay Gaar ahaan Safiirka Soomaaliya ujooga Dalka Yamen, Xildhibaan Ugaas Axmed Bile iyo Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geela oo dhamaantood gacan weyn ka gaystay Soo Daynta Cabdi Nuur.
Xaajo.com
|
Print this Article Comment(s)
|
|
|