xaajo logo
 
Wardagdag ah: Gudoomiyihii Xisbiga ee degmada Dhanaan Aqbal Xaaji Nuure oo lagu diley tuulada Shiniile
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhanaan waxay xaqiijinayaan in gudoomiyihii xisbiga ee degmada Dhanaan Aqbal Xaaji Nuure lagu diley tuulada Shiniile oo 18km kaga beegan dhinaca waqooyi ee magaalada Dhanaan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Jabhada ONLF ay ka war heshay in Aqbal Xaaji Nuure iyo Madoobe Nuune ay ku sugan yihiin tuulada Shiniile isla markaana ay weerar la soo beegsadeen halkii ay ku sugnaayeen labada nin iyagoo goobtii ku diley Aqbal Xaaji Nuure halka dhaawac xun ay soo gaadhsiiyeen Madoobe Nuune oo aad looga yaqaano degmada Dhanaan.

Wararku waxay kaloo sheegayaan in Maydkii Aqbal Xaaji Nuure isla shalay la aasay.

Source:Dhanaan.com


Print this Article     Comment(s)