| |
|
Isku Daroo Imisaa ka dhimatay: Masuuliyiin ka tirsan maamulka Godey oo ONLF ku leysey aagga Godey |
XOL:Dhiilada ka taagan DDS ayaa maxsuulka marwalba kasoo baxaya noqdey mid marwalba agoomeeya ubadka deegaanka oo awalba la rafaadsanaa dhibaatada daba dheeraatey. Dagaal dhexmaray maleeshiyaadka gobolka Godey iyo ururka ONLF ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu laayay masuuliyiin ka tirsan kuwii maamulka gobolka meesha qaarkoodna iyagoo nool lala tagay.
Dagaalkan oo ka dhacey aagga gobolka Godey ayaan la ogeyn khasaaraha gaadhey dhanka ONLF. Illaa iyo hadda masuuliyiinta la caddeeyey iney ku dhinteen dagaalkan waxaa kamid ah Hoggaankii nabadgalyada, Guddoomiye ku xigeenkii dagmada Godey iyadoo masuuliyiin kalena nolosha lagula tagay.
Isla gobolka Godey waxay ONLF ku dishey guddoomiyihii Xisbiga SPDP ee dagmada Dhanaan kaasoo lagu diley tuulada Shiniile oo hillaaddii 18 KM kaga beegan Dhanaan dhanka Waqooyi.
Isku soo duuboo dagaalada ka dhacaya guud ahaan gobolka ayaa waxaa isku haya isla dhalinyaradii u dhalatey gobolka waxaana maxsuulka kasoo baxa dagaaladaas uu noqonayaa Isku daroo imisaa ka dhimatay. Ma jiraan wax siyaasad hor usocod ah oo laga yaabo iney soo afjarto dagaaladan dabada dheeraadey oo kumayaal naftoodii ku waayeen.
Xaajo.com |
Print this Article Comment(s)
|
|
|