xaajo logo
 
SHAAMAREER: Haddaan dhoofo iyo Haddaan dhagaha is tiro!

XOL: Waa Barnaamijkii aad inta badan sugeyseen ee Shaamareer..Maanta Qalbi iyo Qumane waxey joogaan Addisababa waxeyna ku kulmeen xaafadda Hayaa Arat 24 oo Soomaalida deegaanku ku badan tahay.. Waryaa sow kii maalinkii dhaweyd aan Jijiga kaaga imid iyo waad igu aragtey waan kaaga imid ha dhihin, ninyahaw hadalkaaga u fiirso iyo salaan ayaa gacmaha la isgaliyey aan is warsanee soo fadhiiso.

Qumane: Qalbiyoow maxaad Addis kasoo doontey saw ma ogid haddaad meesha dhulka beerka saarto maalin cad in xabad qadaadka lagaaga dhufin ama xabsiga laguu taxaabi ma waxaad moodeysaa Jijigadii afka Soomaaliga looga hadli jirey ayuu kula kafatamay.

Qalbi:Bal wakaase bal eeg Addis oo kasoo hel meel beerka iska daaye baabaco la dhigo, Dhulkaasba ma heystaan kuwani iyo dhulkii waa saca ahaa. Ee adiga maxaa ku keeney Addis ma shaqaa kaasoo gashey oo Fedaraalkaad shaqo kasooo doonatey, ma baasaboor doonad baad ahayd, ma hay'ad ayaa kusoo dirtey, Mise dibaddaa hunguri kaa galay.

Qumane:Ninyahaw waxaad akhridey oo dhanba waa rabaa waana umid ee ka tali. Inaan dhoofo waan rabaa oo aan Yurub iyo Maraykanka tago dabadeedna aan noqdo waxaan rabo. Waxaa kale oo aan rabaa inaan dawladda Federaalka la kulmo oo aan ka helo waxaan rabo haddii aan helin layn aan ku dhoofo. Waxaa kale oon jeclahay inaan hay'adaha UN-ta u shaqeeyo oo aan baabuur cad oo Landcruiser ah Jijiga ku mushaaxo oo adigoo meelahaas beerka dhulka ku haya aan cidhibta kaaga istaago. Midda kale baasaboorkii isaga Jijiga ayaa laga qaataa oo Addis waa laga dallacay.

Qalbi:Sheekaad heysaaye.. Ninyahoow bal ii jilci haddii aad Maraykan iyo Yurub tagto sideed ku noqon waxaad rabto haddiise aad Federaalka la kulanto maxaad ka heli saw kan kuwii fedaraalka ku jirey ay inala qayilaan ama ay Jijiga joogaanba.

Qumane:Horta war ma hayside aan kuu waramo.. Lacalla haddaan Marayanka ama Yurub tago waxaan noqon qofkaan rabo inaan noqdo sababtoo ah ugu horeyn waxaan hayaa waxii war loo baahnaa oo run ah oo waddanka ka jira. Waxaana igu maqaala ah dibadaha dadka jira warba kama hayaan dalka oo waxaan jirin ayaa loo akhriyaa. Marka waxaan sameynayaa markaan dibadda tago waxaan soo sameyn urur Mucaarad ah oo nabadgalyo ah, kana diwaangashan safaaradaha dibadda ee dalkan waxaanan dahwr sano kadib kusoo laaban waddanka anigoo macruuf ah oo BBC-da dhawr jeer la iga wareystey, waxaan heshiis lasoo gali dawladaha Yurub iyo Maraykan waxaana odhan xalkanagu waa nabad sidaasaana ku soo laaban adigana markaan soo laabto shaqo wanaagsan ayaan kusiin.

Haddii ay taasi suura gali weydo waxaan isku dayi inaan dawladda federaalka wax ka arko oo waxaan odhan miyaad taqaanaa. Waxaan usheegayaa waxey rabaan iyo waxa ay la damacsanyihiin Kililkeena. Tusaale ahaan waxaan aad uga hadlayaa hormarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban waxaana lasoo baxayaa shahaadadii aad garan waxaana usheegayaa in Deegaankeenu u baahan yahay in nabad lagu soo dabaalo dabadeena waxaan ka dhameysan inaan doorashadan soo socda isa soo sharaxo. Adigana faaiido ayaa kuugu jirta oo labadaas xaaladdoodba shaqo wanaagsan ayaan ku siin ee soo ducee, kolla ducadaadu meella gaadhi meysee!

Qalbi: Horta saaxiib aan kuu waramo waxaad u muuqataa nin aan waxba ogeyne. Riya maalmeedkan aad indhaha kala heyso waxba ku walaahoobin. Saw ma ogid in 15 urur siyaasadeed oo Deegaanku lahaa ay hadda isku noqdeen hal mid oo aan wax kale laga ogoleyn deegaanka. Midda kale dibaddana hal urur ayaa laga ogolyahay oo ninkii lagu maqlo ama lagu sheego urur dibadda ka jira oo kale isagana bunkiisa la afuufi sidaas darteed urur siyaasadeed iyo sheekadiisa iska daa.

Dawladda federaalka ahse maxaad usheegi iyagaa waxwalba kaa oge. Todobaadkan Zenaawi ayaa Jijiga joogey oo la shirey odayaashii iyo siyaasiyiintii waddanka ma waxaad moodi iney war la aan jirto. War miyaadan ogeyn in dawladi Indha Quraanjo leedahay; waxwalba way aragtaa mase sheegsheegto waxey iska dhigtaa mid aan waxba ogeyn. War ninyahoow lafahaaga ha ku khamaarin meel aadan ka bixi karina ha isku galin oo cimrigaaga ha qadhiidhin. Miyaadan maqal todabaadkan in dagaalo waddankii ka dhaceen oo hebel iyo hebello dhinteen!

Qumane: Ninyahoow xal keendee.. anigu waxaan maagganahay inaan waddanka wax u qabto waxna kama rabo jaadkeyga ka badan. Haddii aad tidhi dibad waxba kama qaban kartid, xaggana waxba kama qaban kartid, dawladda Federaalkana waxba kama qabsan kareysid. Ma waxaad leedahay qori AK-47 qaado oo duurka iyo qoraxda gal oo Dhagaxbuur dhanka shishe ka mar. Midbaanse kuu sheegi anigu Xabad Xamar ayaan uga soo cararay, waxay dhasheyna waan arkaa, haddana qori in la igu dhufto mooyee, garabkeyga saari maayo ee ninyahoow aan riyoodee iska key daa adigana riyadaas ka warsug waa intaasooy wax dhashaaye illeen awalba waxba maadan haynine, adiguse maxaad aqli haysaa?

Qalbi: Ninyahoow aad iskuma naqaanee, horta anigu meelo badan ayaan soo marey, kana soo shaqeeyey waxaana gaadhey go aan adag oo wax qaadan karaaba jirin oo ah inaan dhagaha is tirey oo qofwalba oo iyaqaana waxuu ii yaqaanaa Dhagoole adiga mooyee. Waxaan ogaadey inay tahay arintaas waxaan ku nabadgali karo. Saa waxba ma maqlo oo horteyda ayaan eegaa.. Markaan magaalo cusub tagana waan is waalaa, xitaa marar ayaan maryaha iska dhigaa .

Qumane: Saw adigan ila hadlaya sidee u dhaga la ;adahay.Waxii adigoo dhaga qaba qabsan weydey miyaad adigoo dhaga beelay qabsan, sideese warka u heshaa inaad waalan tahay. Dadka maxaad usheegtaa goormaad dhaga beeshey illeen waa lagu yaqaaney adigoo dhaga qabaye. Waligeedse dhaga la aantu ma ku badbaadisey?

Qalbi: Waxaan dhaga beelay 1995-tii waxaana ku dhagabeelay Xabsiga Jeel Ogaadeen loo yaqaano ee ku yaalla Jijiga. Niman baarlamaankii Ciid Daahir ka mid ahaa ayaan maalin la qayiley qaarkood dabadeedna way iska sheekeysanayeen. Dabadeedna subaxii danbe ayaa niman Boolis ah i qabteen waxaana la iisheegey inaan shalay ku qayiley meel madax joogtey oo aan maqlayay waxey is lahaayeen taasoo noqon karto warar xasaasi ah.

Markaan ogaadey arinka la igu xidhey ayaan go aansadey inaan xabsiga kasoo baxo anigoo dhaga la sidaasaana illaa iyo maanta ku joogaa oo aan ku caana maalay. Waxbaan maqlaa lamana oga inaan maqlo! Dadku waxey dhahaan waxaa lagu jidh diley Xabsiga sidaasuuna ku dhaga beeley. NInkii Ciid ahaa ayunbaa la habaaraa markii la arkaba waxaa la dhahaa ninkaasi wuu dhaga qabi jirey oo Madax xafiiseed ayuu ahaa.

Midda kale adigu markaan magaalada Joogno waa inaad ii midaarto oo illaa aan qof isugu nimaadno oo aan kaligeen noqono daaqaduhuna inoo xidhmaan aadan ila hadlin illeen waa dhaga lahaye.

Qumane: Magaalada gal oo soo dhagadhagee, anigana muraadkeyga ayaan dabagali haddii uu iishaqeyn waayana waxaaba laga yaabaa inaan kugu soo biiro oo aan ama dhagaha is tiro sidaada ama aan indhaha istiro. Haddii kale dibaddaan kaasoo wici doonaa markaasaad xafiis iiga furi doontaa Jijiga iyo Addisababa, ama haddii kale doorashadeyda ayaad ka qaybgali oo waad ii ololeyn si aan shaqo kuu siiyo.

Qalbi: Sideed tel igula soo hadli sow anigan Dhagaha la aa, midda kale sideed nin dhaga la u shaqaaleysiisan. Ninyahoow 15 sano ayaan dhaga la aa waxaan ka yaabi inaad i ceebeyso balse adiga ayunbaa lagula yaabiye aniga waxba iga qaadi meysid ee waa inoo kulan kale.

Markey damceen iney kacaan ayaa wiilkii shaaha u keeney ku yidhi war maxaad isu habaareysaa, dadkan oo dhanna maanta oo dhan wey idin dhageysanayeen ee caabtaada qarso ninyahoow lacagtana iska bixiya!.

Qaybta labaad ee Shaamareer iyo meesha ay ku danbeeyaan labadan nin iyo waliba kaalinta gabadhii Qufful. Waxii talo ahna kusoo aadi barnaamijka MAANHADAL anigoo faalooyinkiina kusoo dayn doona MAANHADAL.

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)