xaajo logo
 
Booqashadii Dr. Cabdi Caydiid ee South Africa oo soo gabagabowday
Dr. Cabdi Caydiid Xiirey oo ah Dhakhtar Caanka ah Dalka Somalia xilal kala duwana ka soo qabtay Dawladihii Somalia ayaa Booqasho uu deeq ugu uruurinayay Hospitaalka guud ee magaalada Dhoobley Kuyimid Dalkan K/Africa ooy kunoolyihiin Somali lagu qiyaasayo 40,000 wuxuuna soo maray Gobalada kala ah: Gauten (Johannesburg), Eastern Cape (Port Elizapeth), iyo Western Cape (Cape Town) oo uu kusoo khatimay Socdaalkiisa .

Dr Cabdi Caydiid Ayaa shirar heer sara ah ku qabtay dhamaan Magaalooyinka waaweyn ee Somalidu ku dhaqan tahay dalkan South Africa wuxuuna soo Bandhigay warbixino Muuqaal ah oo kusaabsan Isbtaalka Guud ee Dhoobley oo isagu dhidibada u aasay muda dheer oo uu ku haminayay Kadib , Muuqaalada ayaa waxaa ka mid ahaa dad ay ka muuqatay dacdaro caafimaad daro oo uu daawaynayo Digtoorku waxaana kamid ahaa Dumar iyo caruur la dacdaraysnaa daryeel la’aan caafimaad Maadaamo ooyna dawlad dhexe ka jirin dalka haseyeeshee Dadaalka uu sameeyay Dr. caydiid Ayaa dad badan loogu fidiyay Daryeel Caafimaad .
Dr. Caydiid ayaa booqashadiisii ugu danbaysay ee dalka South Africa Dawrooyiin muhiim ah ugu qabtay Rag Iyo Dumar Masaajidka Jaamica ah ee Al_Sunah iyo Markiska dacwada somalida ee Magaalada Cape Town Wuxuuna maalintii Axada ee 24 Bisha janaayo 2010 Muxaadaro Cafimaad u jeediyay Boqolaal Dumar ah Masaajidka dhexdiisa kadibna Dumarka Somalida gobalka western Cape oon Arag in muda ah Dhakhtar afkooda hooya kula hadla ayaa Su’aalo caafimaad oo qofba meeshii u darayd waydiiyay Dr.Cadiid wuxuuna uuga jawaabay si waafi ah sidoo kale isla maalintaas Duhurkii ayuu isla masaajidka sunah ugu jeediyay muxaadaro ragga ah oo tan la mid ah Bulshada Somalida ee Xaafada Bellville oo ah xarunta Somalida Ku dhaqan nawaaxiga Cape Town .

Dr. Cabdi Caydiid Xiirey Ayaa lagu xoomay Kadib Markii uu Dhamaaday Wakhtigii loogu tala galay Su’aalaha Taas oo muujinaysay Baahida caafimaad ee Somalidu inayna ku ekayn oo kaliya Dalkii hooyo gudihiisa ee xataa dadka kunool dalalka hormaray ay wali dareemayaan daryeel la’aan Cafimaad.

Dr. Cadiid ma aha oo kaliya Digtoor ee Waa qoraa sidoo kale Wuxuuna Qoray Buugaagta kala ah:-

1-Dabka ka holcaya Geeska Africa 1998 dii ayuu soo saaray.

2-Hardanka hogaanka Somaliyeed 1999 kii ayuu soo baxay wuxuuna kaga hadlayaa siyaasada somalia .

3-Hanfigii abaaraha iyo hanqadhgii Madaafiicda 1975 ayuu ebyay abaartii dabadheer iyo dagaalkii 1977 (ogaden war) ayuu kaga hadlayaa

4- Qaran Qabiil ma ku dhismaa? 2000 shirkii carta ayuu ku dhex qoray wuxuuna kaga hadlayaa nidaamka lugooyada somalida ee 4.5 .

5- Dib u habaynta Halganka iyo Hogaanka ONLF 2001 dii ayuu ebyay wuxuuna kaga hadlaya halganka ay kujirto jabhada onlf iyo wixii uu islahaa waa lagu kordhin karaa .

Ugu danbayntii Dr. Cabdi Caydiid oo Fadhigiisu yahay dalka ingriiska si joogta ahna u taga Somalia ayaa dalka ka anbabixi doona Maalmaha fooda inagu soo haya .

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)