xaajo logo
 
Wiil iyo aabihii ay ONLF ka afduubtey Shiniile iyo gabadh lagu dhaawacey
XOL:Ururka ONLF ayaa dhawaan tuulada Shiniile ku diley masuul ka tirsanaa maamulka dagmada Dhanaan oo lagu magacaabi jirey Aqbal Xaaji Nuure iyagoo sidoo kalena ku dhaawacey laba ruux meesha warar dheeri ah oo naga soo gaadhaya Dhanaan ay sheegayaan iney afduub kula tageen wiil iyo aabihii illaa iyo haddana aan laga heynin waxwar ah meel ay la aadeen iyo xaaladdooda caafimaadba.

Wararkan dheeriga ah ee naga soo gaadhaya Dhanaan ayaa sheegaya in markii ay ONLF weerarka kusoo qaaddey tuulada Shiniile ay kusoo beegeen iyadoo Shiniile lageeyey raashin(Irdhaato) halkaasoo ay dad badani meela kala duwan uga yimaadeen si ay wax uga qaataan raashinkaas.

Markii ay ONLF yimaadeen Shiniile waxey markiiba sida lagu soo waramay gacanta ku dhigeen Aqbal Xaaji Nuure iyagoo markii ay weydiiyeen inuu yahay Aqbal ay xabad ku dhufteen sidaasna uu ku nafwaayey. Dadka goobtaas ku dhaawacmey waxaa kamid ahayd gabadh naloogu sheegey ina XasanTukade oo ahayd ree Shiniile kana mid ahaa dadkii meesha joogey iyadoo naloo sheegey in gabadhaasi ay Xabaddu afka kaga dhacdey.

Sidoo kale waxey ONLF isla tuulada Shiniile ka afduubteen wiil iyo aabihii oo aan la garaneyn meel ay la qabteen. NInkan ay kaxeysteen ayaan magaciisa ku helney Xasan Maxamuud Dhidar (Xasan Jeer) iyo wiil uu dhaley.

Guud ahaan shacabka ree Godey ayaa aad uga xumaadey dhacdooyinkii udanbeeyey ee ka dhacey Godey iyadoo loo arkay Kugu dhimey kaa Dhimay.

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)