| |
|
Qoraal Xiiso leh :Muslimiinta Ethiopia. WQ Abdirahman Sh Biixi |
Bismillaahi Rahmani Rahim, Marka dad badani ay maqlaan magaca Ethiopia waxaa maskaxooda kusoo dhacaya ama ay u haystaan in Ethiopiyadu ay wada gaalo tahay, arrinkaasoo ah mid ka fiirsi u baahan.Weliba waxaad naxaysaa ama yaabaysaa markaad aragto qof wax garad ah ama dadka horjooge u ah oo aan aqoon fiican u lahayn muslimiinta Ethiopia, waana waxyaabaha sababaya in dad badani ku farxaan shilkii soo gaadhay dadkii saarnaa Ethiopian airlines markii maalin dhawayd ay ku dhacday biyaha Lubnan. Iyadoo ayna fiicnayn in la isaga farxo qof baniiaadam ah dhimashadii, diyaaradahaa la raacayana ayna kulligood muslimiintu wada lahayn ayaa haddana dadkaasi waxay ku andacoonayeen inay diyaaradda lahayd gaalo !!!
Baahi badan uma qabno inaan keenno taariikhdii Boqorkii Najaashi Rabbi Haka Raalli Noqdee iyo islaamiddiisii oo sunnada ku cad iyo wafdigii uu Rasuulka S.C.W. u diray oo soo noqday iyagoo muslimiin ah oo Qur’aanku kaga hadlay aadna ugu ammaanay Suuradda Al-qassas :52 -55. Markii asxaabtaasi ay Islaamnimada ku qanceen ayaa yuhuuddii Madiina joogtayi ay isku dayeen inay tashwiish ku furaan, markaasay ugu jawaabeen ‘‘Nabad galyo dushiinna ha ahaato, ma doonayno jaahilnimo’’ Waxaa sidoo kale laga dheregsan yahay labadii goor ee ay Asxaabtu R.H.R.N. Hijro ku tageen dhulkaas.
Waa jirtaa in raggii boqorrada ahaa ama madaxda ka ahaa xukuumadihii kala geddisnaa ee soo maray Ethiopia ay badankoodu ahaayeen rag haysta masiixiga, laakiin waxaa waddankaa ku nool shacab aad u badan oo muslimiin ah.Waxaa isla markaana aan ahayn wax la inkiri karo in boqorradaasi ay aad ugu tiirsanaayeen kaniisadda oo iyaduna ahayd mid xoog leh, taasoo ku dadaali jirtay inay kasbato shacabka ugu badan. Waatan soomaalidu qabiilka wax ku qiimaysee haddaan Ethiopia kasoo qaadno qabiilooyin gaadhaya qiyaastii siddeetan 80, dabcan kama hadlayno lafaha hoose, waxaan odhan karnaa Ethiopia kuma jiro mana laha qabiil aan muslim lahayn.
Tirada dadka Ethiopia ku nool waxaa lagu qiyaasaa inay gaadhayso 80 milyan. Muslimiinta ku nooli qaar badani waxay aamminsan yihiin inay ka badan yihiin kala badh dadka ku nool oo noqonaysa 60%, laakiin tirakoobkii ay dawladdu soo saartay 2007-dii wuxuu sheegayaa in muslimiintu ay yihiin 33.9%. Haddii aynu ku ekaanno inta ay dawladdu sheegtay, muslimiinta Ethiopia waxay noqonayaan in ka badan 27 milyan iyo120 kun. Haddii la eego ta muslimiinta Ethiopia sheeganayaanna waa 48 milyan ama kaba badan.
Markan akhristaw aan is waydiinno inta ay le’egtahay tirada dadka soomaalida ah kulligood innagoo ka dhigayna inay kulligood muslimiin yihiin. Hadday ugu bataan waxaa laga dhigaa 11 – 15 milyan inta u dhaxaysa (Ilaahay ayaana Og). Yaa yidhi haddaba tirada Soomaali ugu badan oo 15 milyan ah ayaa ka khayr badan midda muslimiinta Ethiopia oo haddaan tirada ugu yar kasoo qaadanno ay qiyaastii laba jeer soomaalida ka badnaanayaan.Dad badan yaab ayey ku noqonaysaa haddii looga sheekeeyo in Addis-ababa ay ku yaallaan masaajidyo waaweyn ama ay muslimiintu maalinta ciidda ku tukudaan garoonka ugu wayn magaalada. Qaar badan waxaa laga yaabaa xataa inayna weli sheeko ku maqlin in Markaatu oo ah suuqa ugu wayn Ethiopia kaasoo la dhaho waa midka ugu wayn Afrika, inay gacanta ku hayaan ama ay ugu badan yihiin ganacsato muslimiin ah.
Haddaba dawladdii soomaalida ka bur-burtay iyo tii Ethiopia waxaa ka dhexeeyey colaad aad u waynaatay, taasina waxay saamaysay labada shacab. Markii dagaalkii caanka ahaa lagu qaaday Ethiopia waxaa shacabka soomaaliyeed laga dhaadhiciyey inay gaalo lasoo dagaallamayaan. Ethiopia, iyadu waxay ciidankeeda kusoo dagaal gelisay inay dhulkooda u dagaallammaan. Waxaana shacabka aad loogu baraarujiyaa midnimo, waddan iyo dhul jacayl. Sidaa darteed maadaama shucuubta ku nooli ay haystaan diimo kala geddisan waxay xukuumaddu aad uga feejignaataa inuu dhasho muran diimeed, hadduu dhashana waxay xukuumaddu isku daydaa inay markiiba demiso.
Sheekadii Muxammed Nin muslim ah oo magaciisa la yidhaahdo Muxammed oo ka mid ahaa ciidamadii Ethiopia oo isaguna ku dagaallamayey inuu dhulkiisa ka difaacayo dadkan kusoo duulay 1977-kii, ayaa wuxuu ka mid ahaa koox ay gacanta ku dhigeen ciidammadii soomaaliyeed.Wuxuu yidhi ninkii sarkaalka soomaaliyeed ahaa ee haystay ciidammadii na qabsaday ayaa ku amray in nala laayo marka nala waraysto, nala baadho oo magacyada nalaga qoro. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi markii dhawr saaxiibbaday ahaa la toogtay ayaa la i waydiiyey magacayga markaasaan ku idhi waxaa la i dhahaa Muxammed. Markaasaa waxaa yaabay ninkii i waraysanayey, kaasoo intuu qaylyey yidhi, taliye bal arag ninkan magaciisa ku sheeganaya Muxammed. Sarkaalkii wuu i waraystay wuxuuna i waydiiyey inaan muslim ahay, markaan u sheegay ayuu iga dalbaday inaan u aqriyo wax ka mid ah Qur’aanka markaasaan u aqriyey suuradda Yaasiin.
Sarkaalkii inta uu yaabay ayuu amray in la i dhaqaaleeyo oo la igu daro maxaabiista. Sidaasaan muddo dheer ugu jiray xabsigii laanta buuro. Haddii Muxammed uu Ilaahay sabab uga dhigay inuu ku bad-baado magaciisa iyo bisinka iyo Yaasiinka fadligooda, kuwii la toogtayna qaarkood waxay ahaayeen muslimiin watay magacyo dhaqameed sida Colaad, Gurxan, Hiraabe, Geeddi, Warfaa, Waaberi iwm. Qofku waa u cadow waxa uusan aqoonin.
Si ay Soomaalida ka noqotayba marar badan way ka saaraan maskaxdooda inay jiraan muslimiin ku nool Ethiopia. Shaksiyaad habeen ka sheekaysanayey jabhadda ONLF ayaa qof ka mid ahi wuxuu yidhi : Waan ogahay dhibka ay jabhaddaasi shacabka ku hayso ama usoo jiiddo laakiin maxaan samaynaa yaan raacnaa gaal iyo muslim?!!
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa koox tabliiq ah oo ka timid qowmiyadda axmaarada ayaa waxay tageen gobol ka mid ah gobollada ay soomaalidu degto ama Ogaden. Markaas ayaa wadaad axmaar ahi u is taagay inuu dadkii wacdiyo, markii ay kooxdii tabliiqa ahayd ay masjidkii kasoo bexeen oo ay rabaan inay dadka ay dariiqa kula kulmayaanna ay wacdiyaan ayaa oday magaalada joogay wuxuu u yeedhay wiil afka axmaariga yaqaannay markaasuu ku yidhi adeer gaalkan waxaad waydiisaa waxa uu masjika kasoo doonay. !!! Ilaahayow qof aan wax ogayn Ha cadaabin.
Ugu danbayntii waxaan rajaynayaa akhristow in aan adiga iyo anigu isku raacsannahay inay Ethiopia ku nool yihiin malaayiin muslimiin ah oo soomaalida ka badan, isla markaana aan la dhihi karin waddanka Ethiopia waa waddan ama dhul gaalo.
Naxariis iyo Nabad-gelyo ha ahaato Nebi Muxammed Dushiisa. S.C.W.
Abdirahman Sheikh Bihi Lausanne, Switzerland bihiabdi@gmail.com |
Print this Article Comment(s)
|
|
|