xaajo logo
 
Guddoomiyihii Dagmada Dhanaan iyo rag uu ku jiro Cabdiwahaab Maxamed Xaashi oo ay ONLF laysey
Jabhada ONLF oo tuulada Burqayar ku dishay gudoomiyihii degmada Dhanaan iyo qaar ka mid ah Maamulkiisii iyo dad shacab ah oo goobta ku dhintey Warar hor dhac ah oo eega nasoo gaadhay ayaa xaqiijinaya in dagaal saaka ka dhacay tuulada Burqayar oo 20 km dhinaca waqooyi kaga aadan magaalada Dhanaan ay Jabhada ONLF ku dishay xubnihii ugu muhiimsanaa maamulka degmada Dhanaan oo uu ku jiro gudoomiyihii degmada Dhanaan Xalane Macalin Siraad oo dhawaan laga sii daayey xabsiga magaalada Godey iyo Cabdiwahaab Maxamed Xaashi.

Wararku waxay sheegayaan in gudoomiyaha degmada Dhanaan Xalane Macalin Siraad laga sii daayey xabsiga magaalada Godey oo uu dhawaanahan ku xidhnaa si uu howlgalo uga soo fuliyo deegaanada ku xeeran degmada Dhanaan oo dhawaan Jabhadu ku dishay qaar ka mida maamulkii degmda Dhanaan.

Gudoomiyaha ayaa sida wararku sheegayaan la baxay ciidanka looyaqaan tadaaqiiga oo habayaraatee wax tababar ciidan ah aan lahayn iyo qaar ka mida maamulka degmada Dhanaan ka dibna waxay salaadii subax ee saaka Jabhada ONLF isku heleen qabalaha burqayar iyadoo dagaalkii halkaa ka qarxay sida la xaqiijiyey maamulkii degmada looga diley 6nin oo ay kamid yihiin gudoomiyahii degmada Dhanaan Xalane Macalin Siraad, C/wahaab Maxamad Xaashi iyo niman kale oo magacyadooda naloogu sheegay Aaqil Budul, Xasan Cabdi Aw macalin, dhadoon iyo waliba nin lagu sheegay inuu ahaa Reer Shabeele.

Waxaa kale oo ilaa iyo hada la soo xaqiijiyey Axmednuur Macalin Carab oo isagu ahaa dadka shacabka ee magaalada dagan. Sidoo kale warar aan weli la hubin ayaa waxay sheegayaan inuu marxuumkan uu la dhintay wiilyar oo uu dhalay.Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in dad shacab ah oo ay ka mid yihiin caruur ay goobta ku dhinteen kuwaasoo aan weli la soo magac dhabin.

Tirada dadka dhaawac ah ayaanan weli nasoo gaadhin inkastoo naloo sheegay in dad dhaawacmay ay jiraan.

Wararka iska soo daba dhacaya ayaa tirada dhimashada maamulka gaadhsiinaya 10 ruux iyadoo gudoomiye kuxigeenkii degmada Dhanaan Xasanraage Nuur Awbudul oo isagu faracidile ku soo baxsaday uu sheegay inay soo carareen iyagoo 10 ah kadib markii ay rasaastii ka dhamaatay isaguna uu soo baxsaday 9 kii kalena aan nolol lagu tirin karin.

Dhanka kale waxaana ilaa iyo hada la ogayn khasaaraha dhabta ah ee gaadhay dhinaca jabhada ONLF.

Wixii war ah ee ka soo kordha arintan iyo magacyada dadka dhintay oo saxan iyo kuwa dhaawaca ahba kala soco Dhanaan.com

Source:Dhanaan.com

Xaajo.com


Print this Article     Comment(s)