xaajo logo
 
Faallo: Ma xornimadii la raadinayay ayaa Gobolka Godey ka hillaacdey?
Dhiillooyinka kasoo yeedhaya gobolka Godey maalmahan ayaa waxey shacabka Soomaalida galbeed ku noqdey kuwa argagax ah isla markaana gabawarey reero nabad u dagganaa, agoonteeyey caruur badan. Dagaalada ka dhacey gobolka Godey Haarweyn, Shiniile iyo Burqayar oo dhamaantood hoostaga Dhanaan iyo magaalada Godey waxa kaliya ay dhibaato ku tahay waa shacabka deegaanka waana ayaandarro.

Ururka ONLF oo isagu sheegta oo awal u dagaalami jirey Xoreynta gobolka barhan danbase kusoo aruurey iney xuqquuq doonayaan kana guurey hadafkii Xornimo ayaa waxey laayeen odayaal iyo maamul ka tirsanaa maamulka magaalada Dhanaan iyo kuwa magaalada Godey. Hadii dad badan ay ka xumaadeen dhacdadan una arkaan balaayo iyo ayaandaro ONLF iyadu waxey u arkaan iney xornimadii soo dhawaatey oo qofwalba oo ay ku dilaan gobolka isla markaana ay calan saaran doonaan!.

Tuulada Shiniile waxey ONLF ku laysey dad aan dagaal ku jirin oo raashin qaadasho u yimid waxaana sidoo kale ku dhaawacmey dad ay dumar ku jiraan iyagoo dhanka kalena afduubey dad shacab ah illaa iyo hadana la ogeyn meeshii uu ku danbeeyey. Dagaalka ka dhacay Haarweyna waxaa lagu soo waramay in dad ay qabteen ay laayeen qaarkoodna ay nolosha kula tageen waxaana lamid ah midkii ka dhacay tuulada Burqayar aaggeeda. Dadka ay ONLF leysey waxaa ku jirey dad odayaal ah oo ixtiraam badan ku lahaa deegaanka!

Isku daroo imisaa ka dhimatay ayaa ah nasiib daro soo noqnoqoneysa. Hadii ONLF ay Tigree la dagaalamayaan iyo haddii ay xuquuq doon yihiin ama ay Xornimo doon yihiin waxaa hubaal ah in Burqayar, Shiniile iyo Haarweyn aysan ahayn meeshii ay jawaabahaas ka heli lahaayeen ayna ku khaldan yihiin laynta iyo gumaadka dad masaakiin ah oo caruurtooda ka biisha shaqada ay qabtaan qaarkoodna laga yaabo iney ku qasban yihiin.

Maskaxdu haddey shaqeyso imisa ruux ayaa dhimeneysa Kililka bilwalba imisa sano ayaanse sidan ku sii jiri kareynaa. dhawrkii todabaad ee u danbeysey waxaa gobolka Godey ku dhintey ku dhawaad 20 meeyo ruux waxaana hubaal ah in intaasi ka badan ay ku dhimanayaan geesaha gobolka. Tusaale ahaan haddii bilwalba 20 ruux aan iska dilno dhexdeena sanadkii imisaa dhimanaysa(20X12=360) haddii dhawr sano lagu dhufto tiradaasina waxey noqoneysaa kumayaal. Waxaa intaas sii dheer boqolaal kale oo bilwalba u dhinta duruufo kale abaaro iyo gaajo.

Waxaa kale oo middaas garabsocda barakaca baahsan ee kasocda gobolka oo ay dadka intooda awooda ay lafahooda ula soo cararaan waddamada dariska ah ayna ku dacdareysan yihiin. Haddii lasoo koobo mudooyinka soo socda hadii cadaadiska iyo dagaaladu sii socdaan waxaa dadka laga dhigi doona waxdhinta wax baxsada iyo wax qori heysta oo ama duurka jooga ama is difaaca.

Ugu danbeyn bogga xaajo waxuu u arkaa in dhibaatadii ka dhacdey gobolka Godey ay ahayd masiibo iyo xasuuq loo geystey odayaal iyo waxgarad waxaana eebbe uga baryeynaa in naxariistii jano geeyo. Waxaan leenahay dhiigga walaalihiin meella kuma gaadheysaan ee Illaahay uga baqa dhiigga Muslimiinta ee aad bilaashka ku xalaaleysanayaan.


Print this Article     Comment(s)