XAAJO.COM

Iska dil !Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu xassaan)

Ciyaaraha aan ugu jecleyn yaraantii waxaa ugu muhiimsanaa laynta mulacyada, jiirka shinbiraha iwm. Sida badanna koox da’ ahaan isku dhow ayaan ahaanjirnay oo leeb iyo qaanso ley ah, inta badanna waxaa hoggaamiye noqon jiray ninka ugu laayaansan ama ugu firfircoonida badan.

Waxaa dhici jirtay in xooluhu naga lumaan sidaan mulac ama shinbir u eryaneyno, sida badanna howlahaas waan joojin jirnay markii gabbalku dhoco; maxaa yeelay waxaa adkaaneysa in la arko waxa la tooganayo ama in la helo leebkii la ganay, waxaase mararka qaar dhici jirtay inaan fiidka hore ku guurno meelaha ay habeenkii shinbirtu u hoyato, waxaana dhici jirtay in la toogto shinbirta buulka ku jirta, in lala helo way dhacdaa in lala waayo oo leebkii lagu riday lumana waa laga yaabaa.

Ciyaar xiiso leh ayay noo aheyd laynta nafleydaas aan waxba galabsanin, waxaana jeclaan jirnay inaan wixii dhaqaaqaba tooganno, sida: masaska, hangaralaha, caasha garaddaxda,calikacsadaha, malowga iyo noocyo kale oo noo ahaa il iyo aragti.

Laynta xayawaanadaas ujeeddo aan ciyaar aheyn kama aanaan laheyn marka lag reebo shinbirta oo aan u dili jirnay si aan baarrimeheeda leebta ugu baalanno, mana jirin cid naga weyneyd oo laynta noolayaashaas naga dhaadhicisay, waxaanse qaddarayaa in dadka naga waaweynaa laftoodu ay ciyaarta noocaas ah soo mareen.

Waxayaabaha yaabka leh ee aan ciyaartaas ka sii xusuusto waxaa ka mid ah inaan danbi weyn u haysannay in mulaca calooshiisa dhinaca cirka loo jeediyo ka dib markii la dilo!. Dilku dhib nalama laheyn, waxaase dhib weyn noola muuqday in barbarka cowrada loo rogo, haddii la arko mulaca oo calooshiisu samada u jeeddana isla markiiba waa la rogi jiray, hadda ma xusuusni wixii laga cabsanayay waxa uu ahaa ma inuu cirku soo dumo ayey aheyd mise Ilaahay baa ka cadhoonaya mooji, waxeyse ila tahay in dad badani arrinkaas xusuusanyahay.

Haddii aad is weydiiso mar haddiiba mulacii la dilay cir iyo dhul midka uu u jeedsanayo maxaa laga rabaa? Waa wax caqliga carruurta ka weyn, waase su’aal meesha ku jirta oo jawaab u baahan, waxa muhiimka nala ahaase wuxuu ahaa in mulaca la dilo sabab iyo sabab la’aanba.

Sidoo kale dadka waaweyn laftoodu waxay dhaqan u lahaayeen inay iska dilaan cidda ka dhalatay qabiilka ay is hayaan ama dakanuhu dhexyaallo, la isma weydiin jirin war ninkan maxaa lagu dilayaa?, ma naf buu gooyay?, ma siyaabo kale ayuu dil ku muteystay, waxaase caan aheyd in la iska dilo, ilaa ay gaadhay in qofkii laga shakiyo ee reer kale xataa sheegta oo aan aheyn kii la iska dili lahaa in la dilo, waxaana la dhihi jiray: intii uu reer hebal baxsaday noqon lahaa reer hebal ( midkii aan markan la dili laheyn) dhintay ha noqdo.

Markii qabaa’ilka colaaddu dhextaallo iska horyimaaddaan la isuma turi jirin, qoladii laga taag roonaadana waraabaha iyo haadda ayaa loo loogi jiray, waliba or iyo jiibna waa laga daba qaadi jiray, gabay mahadho reebana waa laga marin jiray oo lagu xusayo wacdarihii la mariyay iyo sida raggoodii loo warjeefay, waxaana dhici jirtay in heballadii goobta la dhigay la magac-dhabo si qabiilkii ay ka dhasheen loogu sii xanuujiyo.

Mararka qaarkood kooxo dooxato ah ayaa u guureyn jiray qolada markaas la damacsanyahay in laga soo aar-goosto ( la iska dilo), waxaana dhici jirtay in reer nabad ku soo galay geeri u soo hoyato, lagamana nixi jirin in ninka carruurtiisii iyo xaaskiisii lagu dhex dilo!. Haddii la rabo waaba lagu faani jiray ficilkaas foosha xun.

Mararka qaarna waxaa dhici jirtay in nin war ma qabto ah oo ka dhashay reerihii dilkoodu il iyo aragtida ahaa uu soo gacan galo isaga oo baadi ka luntay ku raad jooga ama dano kaleba u socda, haddii hayb ahaan loo aqoonsado ama rag waji yaqaannaba goobta joogaan lama hureynin in la iska dilo oo aan la bixinin, waxaase caado aheyd inaan towxiidka la seejinin oo la yidhaahdo: hebalow waad dhimaneysaaye ashahaado!.

Tolow maxay ashahaadada ugu laqinayaan haddiiba ay dilayaan?. Waxaan is idhi: kolley gaalnimo uma dilayaane waxay is dheheen mar haddii aad ninka adduunkii u qoonsateen aakhiro jannada ha u qoonsanina!, waana lexejeclo wanaagsan haddii ujeeddadu sidaas tahay.

Raggaas aan is caymineynin haddii ay meel dagan iska helaan ma dhici jirin inay ciyaalka iyo maatada iska xasuuqaan ha dhacdo in xoolaha la iska qaadi jiraye.

Ka dib markii qabiilka la siyaasadeeyayna waxaa soo baxday qaacido kale oo odhaneysa wixii reer hebalka inaga soo horjeeda ah ha la iska dilo, hantidoodana ha la biliqaysto, haweenka iyo carruurta xataa hoobiye ha lagu garaaco?. Laakiin sida dadka dhaqankooda ka muuqata in dumarka la fara-xumeeyo waa yara karaaho laga fiicanyahay, danbise ma aha!.

Haddana sidaas oo ay tahay dadkaas is xasuuqaya qolana qoloda kale wixii laga laayay inay ahlu naar yihiin uma ayna arkeynin, ha jirto in mararka qaar wadaad kitaab gaablow ahi dhoho: reer hebal waa gaalo, xoolohooduna way bannaanyihiin, laakiin haddana qofnakamadhaadhacsaneyn inay reer hebal ku gaaloobayaan inay reer hebal colloobeen.

Dilalkaas soomaalidu taqaanno haddii aad sii dhuuxdid waxyaabaha ay ku sababeyn jireen ee inta badan aan caqli fayoobi ku qanci Karin waxaa kuu soo baxeysa inayna layntoodu wax weyn ka duwaneyn layntii mulaca ee carruurtu ku ciyaari jirtay.

Xarakada Alshabaab maxay dhaqankaas ku soo kordhisay?

Xarakada Alshabaab iyadu waxay soo kordhisay in dadkii la leynayay la badiyo oo reer walba wixii laga helo la iska dilo ( awal qabaa’ilka is haya uunbaa is dili jiray qabaa’il magacooda lagu badbaadana way jiri jireen). Sidoo kale waxay soo kordhiyeen in qofka dakano iyo eed la’aan la iska dilo ( awal waxaa qofka loo dili jiray reer hebal oo aan col nahay ayuu ka dhashay), waxaana dhacday in qofka sababka loo dilay uu ahaa inuu xilliga wax la dilayay ama la qarxinayay meeshii lagu dilay marayay oo uu ayaan darnaa? Bal muu qaraxa ama xabbadda iskaga gudo?!!.

Waxaa kale oo ay soo kordhiyeen inayna jirin cid ayna birtoodu gayin: sheikh iyo shariif, wadaad iyo waranle, rag iyo dumar intaba. Sida ay u soo kordhiyeen in qofka towxiidka xataa la garab mariyo oo aan luu quudhin inuu ashahaato, haddii uu ashaatona waxaaba mararka qaar loogu jawaabay isaga oo la dilayo ashahaadadu wax ha kuu tarto!.

Waxaa kale oo ay iyana soo kordiyeen in qofkii la dilay naarta lagu hubsado oo la yidhaahdo in la dilo xaq bay aheyd waliab waa ahlu naar, tolow ma iyagaa abuurtay oo jannada iyo naartana iska leh?.

Dadka qaar waxay la tahay in shabaab ayna dadka sabab la’aan u dileynin, waxeyna sabab arrintaas uga dhigaan hadallada ka soo yeedha ee ah hebal waa murtad iyo ashahaado la dirir buu ahaa, waxayna moodaan in sababka dilku sidaas yahay, hase yeeshee dadkaasi waxayna is weydiinin haddii sababka dilku wax la garanayo yahay maxay ugu yaraan dadka ay ku laayaan dhulka ay ka taliyaan maxkamad u soo taagi waayeen oo ugu soo oogi waayeen danbiga lagu dilayo, maxeyse iyaga oo is qarinaya si qarsoodi ah wax ugu dilayaan?.

Sidoo kale haddii dilkoodu sabab ku dhisanyahay maxay u inkiraan dadkii ay dileen markii bulshadu ka kacdo ama ay is dhahaan sumcad xumo ayaa idinka soo gaadheysa? May ku adkeystaan inay iyagu hebal ama heballo dileen haddii ay sabab mashruuc ah ku dileen?.

Maxay u inkireen qarixii dadka badan ii qiimaha muslim iyo soomaaliba u lahaa ku dhinteen ee ay ka sameeyeen hotelka shaamow?, maxay sidoo kale u inkireen dilkii dr. axmad xaaji c/raxmaan ee sida qorraxda ugu caddaaday?, maxey ku inkireen dilkii maxamad tahliil iyo c/kariim sh. Ibraahim?, maxey u inkireen dilkii Daa’uud Dirir oo ka mid ahaa dadka ay ku dileen dhulka ay iyagu ka taliyaan?, yayse aheyd baalaayada kale ee u soo dhuumatay ee aan iyaga aheyn? Maxey ku inkireen dadka aan xisaabta laheyn ee ay meel walba ku laayeen ee culimo iyo caamaba leh?.

Waan qabaa lafteydu in ay jirto asbaab shabaab dadka u leynayaan, waxaanse qabaa inayna aheyn midda ay afka ka sheegayaan, tusaale ahaan ragga culimada u ahi markii ay ku adkaatay inay helaan sabab wax qancin karta oo lagu laayo culimada soomaalyeed waxay ka badin waayeen inay dhahaan culimada ha la iska dilo, ka dibna sheekhii la dilay shahiid ayuu noqonayaa, kii wax dilayna mujaahid ayuu noqonayaa?.

Ma idinla tahay in taasi noqon karto xujo wax lagu dilo? Haddiibase ay qanciso ninka isagu iska yidhi ujeedada uu doonaba ha ka lahaadee ma idinla tahay inay qancineyso midka Dr. axmad oo uu yaqaanno oo sooman oo salaad subax ka soo baxay wadnaha iyo madaxa ka toogtay? Ma lagu qanci karaa in dilka noocaas ah uu fahan diineed keenay haba qalloocsanaadee?.

Dilalka qorsheysa ee ay al shabaab sameynayaan haddii ay yihiin wax ku dhisan qanaaco diineed waxaa la arki lahaa rag ka soo istaagay ugu yaraan dilalka loo dirayo qaarkood, waxaana la arki lahaa haba yaraadeene dad ka biyo diidaya dagaalladii ay ururadii islaamiga ahaa ( maxkamadihii iyo al xisb al islaami) la galeen, sida ururradaas kaleba looga helay dad badan oo dagaalka diin ahaan u diiday oo yidhi wax aan ku dilo qof diin baan u socdaa leh garan maayo.

Dadka inta badan dilalka noocan oo kale ah sameeya waa dad aan haba yaraatee aakharo ka yaab ku jirin, ujeddooyinka ay wax u leynayaanna ay tahay mid qarsoon, mararka qaarna waxaa dhacda inay yihiin dad dilka caadeystay oo ayna ciyaartii mulac leyntaba uga duwaneyn.

Anigu lama yaabin ninka ajande uu doonayo inuu gaadho dadka u leynaya; maxaa yeelay waa la arki jiray nin dadka u laaya si uu isagu dano adduun u gaadho, waxaanse aad u la yaabay kuwa laga adeejinayo inay dadka laayaan ee aan iyagu magac iyo adduun midna ugu soo kordheynin, aakhirana loo haysto wixii uu naf xaq daro ku gooyay.

Marwaan Ibnul xakam ayaa ka dalbaday Ayman Ibnu Khureym (oo ay kutubta qaarkeed sheegaty inuu saxaabi ahaa) inuu u hiiliyo maadaama uu yahay nin qurash ah, markaasuu Ayman ugu jawaabay: aan kuu hiiliyee ma ii haysaa kaar ( warqad) aan naarta kaga badbaadayo?, markaasuu Marwaan fahmay waxa uu ka hadlayo, wuxuuna ku yidhi: hiilkaaga uma baahnin ee naga tag, markaasaa Ayman ku geeraaray tixdan:

ولست بقاتلٍ رجلا يصلي على سلطان آخرَ من قريش

له سلطانه وعليَّ وزري معاذ الله من سفهٍ وطيش

“Nin muslim ah u dili maayo; si uu mid kale oo reer qureysh ah xukun u helo, xukunkii uu helay isagaa iska leh, aniguna danbi baan xambaarsaday, Ilaahay baan doqonnimo iyo fudeyd ka magan galay”.

Dhallinyarada shaqada looga dhigay laynta dadka muslimiinta ah ee culimo iyo caamaba leh waxaa mudan inay is weydiiyaan war hebalka aad amarkiisa ku shaqeyneysaan ee idinku odhanaya hebal iska soo dil ma isagaa aakhiro idinka qaadaya danbiga aad ka kasbaneysaan dilka dadka muslimiinta ah? Haddiise aad u gacan gashaan dadkii aad dadkooda disheen midkii idin soo diray ma diyaar buu u yahay inuu isagu qisaasta isu soo taago oo idinka la idin badbaadiyo? Mise markii aad gacan gashaan ayuu idin inkirayaa oo kuwo kale oo cusub raadsanayaa sida haddaba ku dhacday kuwii Dr. axmad dilay?.

Waa la hubaa aakhiro inayna danbi la’aan aheyn qof muslim ah oo isaga oo salaad ku sii socda ama ka soo socda la dilaye bal is weydiiya wax adduun ahaan aad ka helaysaan dilkaas.

Is weydiiya sida ay ku dhacday diintii dhiigga munaafiqiintii la hubay ee waxyigu sheegay badbaadisay in ay badbaadin weydo culimadii diinta faafinteeda dhib iyo cabsiba u soo maray sida Dr. axmad oo kale. Sow la idiinma sheegin inaanu nabi Maxammad waligii amrin in qof ashahaadanaya la dilo, madixii munaafiqiinta ee Cabdullaahi Ibnu Saluulna ha ahaadee?.

Haddii dilka muslimiinta ay rag idiin qurxiyeen oo shubuhaad iyo hawo idinka buuxiyeenna ogaada in dilka shahwada (adduun jaceylka ) ku dhisani uu ka dhib yaryahay xagga danbiga midka shubhada (is moodsiiska diiniga ah) ku dhisan, sidaasina hadalkayga ma ahee xaddiiska ayey ku sugantahay :

وعن عبادة بن الصامت رضي الله عنه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال من قتل مؤمنا فاغتبط بقتله لم يقبل الله منه صرفا ولا عدلا رواه أبو داود. ثم روى عن خالد بن دهقان سألت يحيى بن يحيى الغساني عن قوله فاغتبط بقتله قال الذين يقاتلون في الفتنة فيقتل أحدهم فيرى أحدهم أنه على هدى لا يستغفر الله.

Xaddiisku waa saxiix, Sh. Albaani ayaana altarqiib wattarhiib ku saxiix yeelay, macnihiisuna waxaa weeye: qofkii dila qof muslim ah, ka dibna ku faxra dilkiisa ilaahay sunne iyo farad ( faral) midnakamaaqbalo!.

Ka dibna Yaxya Al Qassaani ayaa fasiray waxa loola jeedo ku farxitaanka dilka muslimka, wuxuuna yidhi: waa dadka dagaallada fitnada ah gala, midkood ayaa midka kale dili markaasuu ( kii wax dilay ) isu maleynayaa inuu saxanyahay ( hanuunsanyahay) Ilaahayna danbi dhaaf waydiisan mayo!

Haddii xaajadu idinla tahay ciyaartii mulac leynta oo yaraan iyo cilmi yari idiin geyneysana ogaada in dhiigga muslimku uu Ilaahay agtiisa kaga culusyahay adduunka oo dhan oo kharribma. Ragga dilka muslimiinta idiin sakhirayana ku dhaha war iska dil socon meyso e ha na aakhiro seejinin, waxa aad noo sheegeyso se armuu been noqdaa ood hadhow nooga baxdaa?.

Ilaahayow ha nagu ibtileynin daadinta dhiig qof muslim ah oo ashahaadanaya oo tukanaya, dadka ku ibtiloobayna ka samata bixi, intii xaqdarrada lagu dilayna Ilaahow kuwii ku gardarrooday uga aar-gud. Aamiin.

Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu xassaan)
xasanyare@msn.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print