XAAJO.COM

Jaaliyaadka kasoo jeeda Degmada Birqod oo mahadcelin udiraya madaxweynaha DDS

XOL:Jaaliyadda Qurba joogta magaalada Birqod ee gobolka Jarareed oo lasoo xiriiray warbaahinta Xaajo ayaa mahadcelin udiraya madaxweynaha DDS iyo xukuumaddiisa iyo guud ahaan xisbiga talada dalka haya kadib markii ay goaansadeen in shirweynihii 7aad ee xisbiga ESPDP lagu qabtey magaalada Birqod oo noqotay meeshii ugu horeysey ee ka baxsan caasimadda Deegaanka Soomaalida ee Jijiga oo marti galisey shirkaas.

Waxgarad kasoo jeeda magaalada Birqod ayaa iyagoo sii wada mahadcelinta waxey aad u amaaneen kulankii xasaasiga ahaa ee madaxweynuhu la yeeshey waxgaradka magaalada Birqod iyo culimada kadib markii uu kasoo laabtey tuulada Garigo’an ayna uga wada hadleen dhameystirka kaabayaasha dhaqaalaha ee dagmada kasocda, dhisitaanka dugsi sare iyo xarumo hormineed oo ay magaaladu yeelato.

Qurba joogta magaalada Birqod ayaa guud ahaan aad usoo dhaweynaya talaabooyinkaas geesinimada leh ee madaxweynuhu ka qaatey magaalada Birqod iyaguna waxey dhankooda balanqaadeen iney hiil iyo hooba la garabtaagan yihiin xukuumadda dawladda Deegaanka Soomaalida iyo gaar ahaan hoggaanka madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print