XAAJO.COM

Washington Seatle oo looga dhawaaqay Jaaliyadda DDS

Jaaliyada Somalida Ethiopia oo Lagaga Dhawaaqay Seattle, Washington U.S. A(Somali Ethiopian Community of Seattle, Washington).Waxaa shir aad u qiimo badan isugu yimid manta oo ay tariikhdu tahay Oct 2, 2012 Jaaliyada Somalida Ethiopia ee Seattle, Washinton U.S. A. Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Jaaliyada oo dhan, sida Salaadiinta, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Dhallinyarada, haweenka iyo marti sharaf kale oo farabadan oo ka soo jeeda Degaanka Somalida Ethiopia. Shirkan ayay ajeedadiisu ahayd in la isku xogwaraysto wixii ka jira deegaanka gudihiisa iyo dibadiisaba. Hadaba waxay Jaaliyadu iskaga xogwarantay dhowr arimood oo kala ahaa dhinaca Nabadgaliyada, Horumarka, Maalgashiga, iyo isku xidhnaanshaha Jaaliyada guud ee dibada.

Jaaliyada Seattle waxay kale oo ka wada hadleen in ay samaystaan dalad ay Jaaliyadu leedahay iyo hogaanka Jaaliyada. Isla goobtii shirka ayay Seattle Jaaliyadeedu isku raaceen magaca Jaaliyada, hogaanka iyo hadafka ay Jaaliyadu yeelan doonto.

Somali-Ethiopian Community of Seattle waxaa loo aasaasay waxay tahay inay ka caawiso dadka ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia arimaha bulshada iyo la xidhiidhka xafiisyada arimahaas qaabilsan ee gobolka WA State.

Waxaa kale oo Jaaliyadu ay ka shaqayn doontaa isku xidhka bulshada ka soo jeeda gobolka Seattle, Washington iyo Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia.

Dood dheer kadib,Jaaliyada Somalida Ethiopia ee Seattle waxay isku raacday in ay samaysato hogaanka Jaaliyada Seattle, Washington. Wadatashi dheer kadib, Jaaliyada ayaa waxay go’aan satay in Jaaliyada Seattle, Washinton U.S.A ay hogaamiyaan Xubnahan hoos ku qoran.

Gudiga fulinta ee ururku waa kuwa hoos ku qoran:

1- Anwar Ahmed Shifow Gudoomiye
2- Ahmed Ali Saafi Gudoomiye Ku Xigeen
3- C/Xakiin Xuseen Dhubad Xoghaye
4- Weli Abdi Shiine Xubin
5- Xuseen Tarabi Xubin
6- Farxaan Cali Dhool Xubin

7- Liibaan H. Ali Xubin

Wixii faah faahin dheeraad ah idinkaa ku darsan doona..

Mahadsanidin,

Anwar Ahmed Shifow

Chairman, Somali Ethiopian Community of Seattle

som.ethiopian.seattle@gmail.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print