XAAJO.COM

Jaaliyada Qoraxeey ee Magaalada Willmar oo taageeray Mac-hadka Imam Nawawi(SAWIRO)

Shir Balaaran oo ay isugu yimaadeen Jaaliyada reer qoraxeey ayaa sabtidii 04/7/2012 lagu qabtay Hotelka wayn ee Holiday INN ee Magaalada Willmar. Shirkan ayaa ka mid ahaa shirar badan oo ka socoday guud ahaan Waqooyiga America gaar ahaan gobolka Minnesota oo lagaga arinsanayey taageerida mac-hadka Imam Nawawi ee magaalada Qabridahare. Shirkan oo aan loo kala harin dhamaan jaaliyada Willmar ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimoawdiin, aqoonyahano, odoyaal, dumar iyo waliba dhalinyaro ayaa waxaa lagu furay Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah oo uu akhriyey Sh. Maxamed Suldaan Kaahin iyadoo wacdigiina uu soojeediyey Sheekh Maxamed Cabdiwahaab oo kamid ah culimada magaalada Willmar.
Waxaa intaas ka dib la gudo galay warbixinta mashruuca Imam Nawawi oo uu bilaabay mudane Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah gudiga Mashruuca Imam Nawawi ee Maraykanka isagoo ka hadlay muhimada ay umada u leedahay hirgalinta mashruucan waxbarashada isagoo qaadaa dhigay marxalada ay umadeenu marayso iyo horumarka iyo saameynta ay yeelan karto xarun waxbarasho oo noocan oo kale ah oo laga hirgaliyo Qabridahare. Maxamed Ismaaciil oo tilmaamaya in faa’iidada uu mac-hadkani yeelan karo sheegay inuu “mac-hadka Imam Nawawi meel kasta looga yimaado uuna la mid noqdo sidii iskuuladii Allaahi-da loo yaqaanay ee ka jiray Somaliya”
Warbixintii mac-hadka iyo qorshaha dhisamaha oo lasii wado, waxaa hadalkii qaatay Sheekh Cabdirashiid Aabi oo soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku saabsan aasaaskii mac-hadka, nooca uu yahay, ardeyda ka qalinjabinaysa shahaadada ay qaadanayaan iyo kharashka guud ee ku baxaya dhismahan balaadhan iyo warbixin dheer oo taabanaya sida dadka gobolku uga hadheen umadaha kale ee Africa iyo waliba kuwa aduunka. Sheekha ayaa tilmaamay in ardaydu qaadan doonaan shahaadada DDS loona diyaarinayo inay galaan jaamacadaha wadanka. Mashruuca dhismaha oo ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan dhamaan jaaliyada Qoraxeey ee daafaha dunida gaar ahaan Jaaliyada Kenya, South Africa, Europe, iyo tan Waqooyiga America ayaa la rajaynayaa in dhawaan la dhagax dhigo bilaabida dhismaha.
Waxaa ugu dambeyntii hadalkii qaatay Sheekh Jamaal Carab Khuuriye oo laf dhabar u ah hirgelka mashruucan iyo Sheekh Cabdiraxman Xassan Geele oo ka mid ah culimada Willmar howshana u istaagay. Sheekh Jamaal oo aad u qiiraysan ku bilaabay hadalkiisii “waxaan rajaynayaa in kharashkii lagu soo qoray willmar ee ahaa $15,000 lagaadhsiiyo ilaa $30,000″ waxayna gudo galeen lacag uruurintii iyadoo markiiba tiradii loo baahnaa ay dhaafeen lana soo gabogabeeyey.
waxaa isna sidoo kale goobta ka hadlay aqoonyahano iyo waxgarad rag iyo dumarba leh oo degen Willmar kuwaas oo si aan kala hadh lahayn isugu raacay taageerida iyo taabo gelinta mashruuca Imam Nawawi. Dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdi Aar, Luul Rumaan Xaaji Xuseen, Canab Kilaas, Ahmed Mohamed Odowaa (ilka case) oo dhamaantood dhiiri galin iyo bogaadin ku soo dhaweeyey Mac-hadka Imam Nawawi.
Waxaa Mashruuca Imam Nawawi ee Jaaliyada Willmar loo sameeyey Gudi uu gudoomiye u yahay Sh. Cabdiraxman Xassan Geele oo ka kooban 12 qof.
Waxaa gabogabadii laysku raacay in nin u dhashay Gobolka Qoraxeey oo awooda inuu ka qeyb qaato mashruuca Imam Nawawi uusan iska waayin tabeelaha “XILKAS” oo la sudhi doono hadii alle idmo ardaaga Imam Nawawi laguna soo daabici doono magacyada muxsiniina ka qeyb qaata Mashruuciga kheyriga ah.

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print